Aqri: Guddiga doorashada madaxweynaha Galmudug oo maanta lagu dhawaaqey

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa maanta magacaabay guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Xubnaha Guddigaan ayaa ka kooban 13 Xubnood oo ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug, kuwaasinoo soo diyaarin doona hanaanka doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.