Cadaaladii madaxweynaha laga raadiyey: Kiiska Amaal, cabashadii Hooyo Amran iyo jawaabtii madaxtooyada

Hooyo lagu magacaabo Amran Maxamed Cusmaan ayaa 16-kii bishan Janaayo 2020 soo jeedisay cabasho ku saabsan gabadh ay dhashay oo maqan, ayna ku eedeysay inay afduubteen ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo dalbatay in arrinteeda lasoo farageliyo oo madaxda sare sida madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ka codsatay inay wax u qabtaan.

Nuxurka cabashada Hooyo Amran wuxuu ahaa sida soo socota:

Bidix: Hooyo Amran Maxamed Cismaan (Xalane)

1) Inay ka maqan tahay gabar ay dhashay oo ay dibadda kasoo celisay,

2) In gabdho ay wada socdeen ay u gacan geliyeen rag ka tirsan ciidamada Madaxtooyada Soomaaliya

3) Inay soo dirtay farriin ku saabsan in la isku dayey in la kufsado

4) In askar ka tirsan ciidamada Madaxtooyada loo xiray, kadibna ay CID-da sii deysay

5) In CID-da iyo maxkamadda ay meermeeriyeen askarta Madaxtooyada ee kiiska gashayna ay sii daayeen.

6) Inay laba bilood oo iska daba wareejin ah wax cadaalad ah aysan helin, gabadheediina maqan tahay

7) Inay caddeymo badan oo maqal iyo muuqaal ah heyso, sida:

8) Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada oo sawirka gabadheeda maqan soo diray

9) Taliye ka tirsan ciidamada Madaxtooyada oo dil ugu hanjabay Hooyo Amran haddii ay arrintan faafiso

10) Baaq iyo codsi ay u dirtay Madaxweynaha inuu arrinteeda soo farageliyo

Cabashada Hooyada Soomaaliyeed ee gabadheedii maqan tahay kama duwaneyn, balse way ka xanuun badneyd cabashooyin hore oo dad kala duwan oo cadaalad raadin ah ay u direen Madaxa Sare ee dalka, laguna baahiyey baraha bulshada, kuwaasoo Madaxtooyada iyo dad u dhow ay si degdeg usoo farageliyeen, kana dhigteen waxqabad ay ku faanaan oo iidheh ku sameystaan; laakiin kiiska Amran wuxuu ugu duwanaa iyadoo cidda la eedeynayo ay ahayd Madaxtooyada, jawaabtiina waxay noqotay lama filaan..!

Jawaabtii Madaxtooyada, Xeer ilaalinta Milateriga & Warbaahinta Dowladda

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada farriintiisii waxay ahayd jawaab qabyo ah oo qeyb ahaan dembi la’aan ka dhigeysa ciidamada madaxtooyada, balse ku meereysatay in baaritaan la sameeyo, waxna la husado; waxaase soo baxday jawaabtii Madaxtooyada oo adeegsaneysa Xeer ilaalinta ciidamada Qalabka sida oo si aan hore loo arag u soo abaabushay war laga sii daayay TV-ga Qaranka oo ah jawaab loo diray Hooyadii cadaaladda u raadisay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxtooyada Qaranka.

WARBIXINTA WARBAAHINTA DOWLADDA LAGA SII DAAYEY

Warbixintii jawaabta ahayd ee TV-ga Qaranka uu baahiyey waxay ahayd mid dhinac ka rarran oo xirfad saxaafadeed ahaan khaldan, TV Qaran ahaannaa nasiib darro ah tiiyoo la difaacayo ciidamada madaxtooyada in Hooyo ka cabaneysasay cadaalad darro la ceebeynayo, lana fadeexeeyo gabadhii dhibanaha ahayd ee maqneyd. Nuxurka Warka la jarjaray ee TV-ga Qaranka ka baxay wuxuu ahaa kaliya in kiiska laga berri yeelo oo laga nadiifiyo Madaxtooyada iyo ciidamadeeda.

Warbixinta TV-ga waxaa ugu muhiimsanaa arrimaha soo socda:

IDIX: LABA KA MID GABDHIHII LA SOO BAXSADAY AMAAL IYO HOOYADOOD

Waxaa la sheegay magaca gabadha maqan (Amal Nur Cusman), waxaana muuqaalkeeda laga baahiyey warbaahinta dowladda, iyadoo aan loola dan lahayn baafin ee lagu fadeexeynayo. (Ma ahayn raadinteeda oo ay waajib ku ahayd Hay’adaha Sharciga ee kiiska gacanta ku hayey).

Waxaa la sheegay in dhaqan celin ahaan dibadda looga keenay oo la geyay xarun dadka lagu dhaqan celiyo oo ku taalla degmada Hodon, ayna ka baxsadeen iyagoo 6 Dumar ah oo afar ka mida dibadda laga keenay.

In la adeegsaday mid ka mida gabdhihii Amal la soo xiriirtay ee ay xarunta dhaqan celinta u wada jireen (Ayaan), taasoo AMAL ku eedeysay denbiyo ay ka mid yihiin: inay ahayd qof xanaaq badan, ay abaabushay inay baxsadaan, inay dooneysay inay hooyadeed dacweyso oo safaaradaha dalkii laga keenay ay tagto iyo arrimo kale oo aan haba yaraatee caddeyn lahayn hal dhinacna laga qaatay.

Waxaa kaloo la adeegsaday codka hooyada dhashay Ayaan (Meymuun) oo kaliya laga qaatay eedeynta Hooyo Amran oo ah inay ku khaldan tahay inay eedeysay ciidamada Madaxtooyada.

Waxaa la adeegsaday nin ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda la sheegay inuu la dhashay hooyo Amran oo difaacaya ciidamada madaxtooyada, sheegayna inay wax caddeyn ah waayeen oo eedeynta ciidamada madaxtooyada ay khalad tahay.

JAWAABTA XEER ILAALINTA CIIDAMADA

Gen. C/llaahi Buulle Kamey

Xeer ilaaliyaha ciidamada Milateriga Jen. C/llaahi Buulle Kamey wuxuu kaliya oo kiiskan uu ka sheegay in markhaati iyo caddeyn loo waayey eedeynta ciidamada Madaxtooyada, isagoo aan faahfaahin sida ciidamda Madaxtooyada ugu lug yeesheen arrintan markii horeba. Xeer ilaaliyaha wuxuuna ka warbixiyey sida gabdhaha usoo baxsadeen wuxuuna markaasi adeegsanayey shir jaraa’id oo ay soo abaabulen, kaasoo ay qabteen gabdhihii lasoo baxsaday oo dhinaca kale hooyo Amran ay ku eedeysay inay gabadeeda u gacan geliyeen ciidamada Madaxtooyda.

Xeer ilaaliye Kamey isagoo gacanta ku haya sawirka gabadha maqan ee AMAL ayuu amar ku siiyey CID-da in raadiso ayna dhinacooda Maxkamadda ciidamada iska wareejiyeen kiiska mar haddii aysan ku lug lahayn ciidamada Madaxtooyada. Wuxuu ahayd Dacwad-ooge go’aan gaaray, warkiisuna kuma caddeyn go’aan Maxkamadeed.

MAXAA KASOO BAXAY..?

Kiiskan yaabka leh ee ku bilowday cabashada Hooyo Amran, ayna ka danbeysay jawaabta Madaxtooyada soo abaabushay ee Xeer ilaalinta ciidamada iyo CID, wuxuu bannaanka soo dhigay khaladaad fara badan iyo su’aalo ka badan kuwii ay hore u abuurtay Hooyo Amran markii ay baraha bulshada iyo warbaahinta maciinsatay 2 bilood kadib.

SU’AALAHA KA DHASHAY

1- Kiiskan labada bilood socday ilaa heerkii ayuu gaaray.. Maxkamad miyaa xukuntay..? mise dhexda ayaa laga bixiyey..? (Jawaabta dowladda laguma caddeyn)

2- Sidee ciidamada Madaxtooyada iyo saraakiishooda ugu lug yeesheen kiiskan oo heerkaas ula gaareen..? (Sarkaalka Madaxtooyada ee sawirka gabadha soo diray halkee ka keenay..:)

3- Taliyaha Madaxtooyada ka tirsan ee u hanjabay Hooyo Amran maxay ahayd kaalintiisa…? Maxayse ahayd Lacagta la weydiisay Amran ee madax furashada ah..?

4- Gabdhaha lasoo baxsaday Amaal ee hadda eedeynaya iyo hooyadood maxaa kala dhaxeeya madaxtooyada? (Ogow… Dhinaca Hooyo Amran waxay u yihiin eedeysanayaal gabadheeda u gacan geliyey ciidamada madaxtooyada).

5- Maxay CID-da kiiskan si fiican ugu baari weyday..? [Sidee ciidamda dowladda iyo Hay’adaha Amniga u weyn karaan qof ku sugan magaalada Muqdisho oo heysata Telefoon shidan oo farriimo kasoo direysa..?]

6- Maxay CID-da ula hadli weysay saxaafadda oo kiiskan u faahfaahin weyday?

7- Maxaa keenay in xeer ilaalinta ciidamada Milateriga ay warbaahinta ka difaacdo ciidamo eedeyn loo jeediyey..? Aaway go’aankii Maxkamadda ciidamada intii xeer ilaaliye go’aan ka gaari lahaa kiis heerkaas gaarsiisan..?!

WARBAAHINTA DOWLADDA

1- Warbaahintii Qaranka ee jawaabta Madaxtooyada sii deysay iyo weriyihii soo diyaariyey Warkan waxay iska indho tireen xaqii loogu lahaa inay arrinta laba dhinac ka eegaan kiiska, sooma hadal qaadin dhinacii kale ee Hooyo Amran, waxay xukumeen inuu warkeedu ahaa sheegasho, iskuma dayin inay wax baaraan ee waxay fadeexeeyeen gabadha dhibaha ah ee maqan, isagoo weriyuhu u muuqday inuu dagaal kala dhaxeeyo..! waxay baahiyeen muuqaalkeeda iyo magaca goobtii dhaqan celinta, waxayna si ulakac ah cod u siiyeen dhinac kasoo horjeeda dhibanaha oo arrimo badan ku eedeynaya caddeymo la’aan.

SAAMEYNTA KIISKAN YEELAN KARO

Kiiska gabadha maqan ee AMAAL wuxuu kaloo xiriir dibadda us oo saaray jiritaanka xarumaha dhaqan celin oo Muqdisho ka howlgala kuwaasoo shaqadooda shaki badan ka taagan yahay, arrimo baddanna laga sheego, waana arrin u baahan wax ka qabasho iyo baaritaan kale.

Wuxuu kaloo saameyn ku yeelan karaa dal ama dalalka laga keenay gabdhahan, taasoo dib ugu soo laabaneysa qoysaska Soomaalida ee qurbaha ku dhibaateysan, caruurtoodana kala soo carara, iyadoo warbixintan ay waalidiinta u abuureyso denbi.

GUNAANAD

Qareenada Soomaaliyeed, Warbaahinta xorta ah iyo inta samaha jecel waxaa saaran in xaqiiqada kiiskan laga daba tago oo la soo faqo halka ay wax iska qaban waayeen, si loo ogaado cidda dembiga leh iyo cidda lagu tacadiyey mar haddii Madaxweynihii iyo Madaxtooyadii cadaaladda laga raadiyey lagu hungoobay.