Waare iyo Lafta-gareen oo cabasho ugu yimid DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ay Muqdisho u yimaadeen cabasho ka dhan ah dowladda Soomaaliya.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in dhinacyadaan ay Baydhabo isaga wareysteen dhibaatooyin ay ku qabaan lacagihii ay heli jireen ee maamul gobaleedyada loo marsiiyo Bangiga dhexe iyo wadashaqeynta Xukuumadda oo aad u liidata.

Sidoo kale dhinacyadaan ayaa ka cabanaya in aysan dhaqan gelin heshiisyo wadashaqeyn oo dhaxmaray Xukuumadda iyo labadaan maamul gobaleedyada, kuwaas oo ay kamid ahaayeen fulinta mashaariic dhismo, shaqo abuur iyo in loo tababaro ciidamo daraawiish iyo boolis ah.

Wararka ayaa sheegaya in labadaan maamul oo ay ku soo food leedahay doorasho guud oo HirShabelle ah iyo mida baarlamaanka ee Koonfur Galbeed, ayaa isku af gartay in ka hor arrimahaan ay cadaadis saaraan dowladda federaalka Soomaaliya, si loo dhaqan geliyo heshiisyadii ay gaareen dhinacyadaan.

Kulankoodii Baydhabo ayaa la sheegay in ay isku raaceen dhowr qodob iyo barnaamijyo horumarineed oo isugu jira mashaariic dhismo iyo shaqo abuur, hadii ay fulin waayaana ay cadeyn doonaan in Xukuumaddu ay diidan tahay wadashaqeynta maamulada.

Labadaan maamul waa kaliya maamul gobaleedyada la shaqeeya dowladda Soomaaliya, waxaana la aaminsan yahay in aysan hadda sidii hore aheyn oo ay tabashooyin hoose ay jiraan.

Xubno ka tirsan HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa Caasimada Online u sheegay in la filayo kulamo ay dhaxmaraan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo dhinac ah iyo madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.