GALMUUDG oo war kasoo saartay CIIDAMADA isku urursaday deegaanka Bohol

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa markii u horeysay sheegay inay ciidamada iyo hogaanka Ahlu-Sunna ay joogaan deegaanka Bohol, islamarkaana ay socoto waan-waan lagu xalinayo xiisada.

Wasiir Falagle ayaa sidoo kale sheegay in mas’uuliyada dagaalkii Guriceel ay qaadayaan hogaanka Ahlu-Sunna, oo ayadu iskaga baxday deegaankaas, kadib maalmo ay degmada kula dagaalameen ciidamada maamulka oo gacan ka helaya kuwa dowladda federaalka.

“Nimankii odayaasha ahaa ee meesha qabsaday wey ka baxeen waxay joogaan meel la yiraahdo Bohol, waxaa ku maqan odayaal iyo waxgarad oo laga yaabo inay soo afjarmato saacadaha soo socda,” ayuu yiri Wasiir Falagle.

Waxa kale oo uu sheegay in Ahlu-Sunna ay sharci darro ku soo weerartay maamul, islamarkaana ay waxyeelo gaarsiisay ishii dhaqaalaha ee dowladda goboleedka Galmudug.

“Mas’uuliyadaas waxa qaaday ciddii dowlad sharci daro kusoo weerarta oo dhulka qabsata ayaa sharciyadaas qaadeysa, sharci iyo sharci daro wax isa-saaran maaha, meeshu maaha labo qabiil oo dirirtay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Galmudug aysan u baahneyn dad ka macaasha xiisadaha ka taagan, isagoona weeraray siyaasiyiintii garabka saaray Ahlu-Sunna oo ku tilmaamay kuwa curyaaminaya maamulka.

“Maalintii dagaalka uu istaagay subaxii ayuu tagay madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo kaalmooyinkii ayaa la geeyay, dadkii ayaa la soo celiyay oo howlihii iyo tacsidii ayaa lala qeybsaday.”

“Dadkii guryihii wey kusoo noqdeen, aad baa loo fahamsan yahay macno darada uu dagaalka leeyahay iyo hadaf la’aantiisa, dadka marka ay baraarugsan yihiin oo dowlad la socdaan wax loodin karaa majiro.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Ahlu-Sunna ay qaladay dhalinyarada deegaanka, wuxuuna ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan guryahoodii, xili ay mas’uuliyiinta degmada ay wacad ku mareen inay tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo garab siisay ururka.