Sababta loo haysto kursiga Mahdi Guuleed iyo xukunka laga filayo guddiga xalinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa hakiyay ku dhawaaqista Natiijada rasmiga ah ee kursiga Nambarkiisu yahay #HOP239 oo doorashadii ka dhacday Iskool Boolisiya loogu doortay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed.

Guddiga ayaa qabtay dacwad uu soo gudbiyay Musharax Xuseen Carab Ciise oo kurisgaas ku fadhiya, waxaana la faray guddiga hirgelinta doorashada in la hakiyo ku dhawaaqista natiijada rasmiga ee kursigaas laga bilaabo 2-da November inta Guddiga Xalinta Khilaafaadka uu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gudbiyay kursigaas.

Doorashadii uu kusoo baxday Mahdi Guuleed waxaa hareeyey fadeexado waaweyn kadib markii uu la yimid ergo wajiga qarsatay oo aan la hubin inay yihiin ergadii rasmiga ahaa, musharaxad wajiga qarsatay oo illaa iyo hadda aan la aqoon cidda ay aheyd.

Guddiigii doorashada ayaa ku fashilmay inay xaqiijiyaan wax caddeyn kara inay sax yihiin la doortaha iyo dadka wax dooranayo intaba, intaas oo ay jireen ayaa haddana waxaa laga gudbiyey dacwad.

Haddaba maxaa lagu heystaa Mahdi Guuleed?

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed waxaa lagu eedeynayaa inuu boobayo kursi aysan xisaab ahaan u laheyn reerkiisa hoose.

Marka la eego magaca kore Mahdi waa uu ka dhashay reerka kursigaan ku qoran, laakiin markii hoos loo soo dago oo jufo jufo loo wada hadlo kursigaan malahan jufada uu ka dhashay Mahdi.

Isaga iyo qolada kursiga laga qaatay ee uu Xuseen Carab kasoo jeedo isku xarig ma’ahan xagga jufooyinka hoose oo xarig xarig kuraastooda isku raacdo.

Kursigii ay laheyd jufada Mahdi Guuleed waa ay heystaan, waxaana la xaqiijiyey inuu ku fadhiyo nin ay qaraabo yihiin, waxayna taas keentay in laga soo gudbiyo dacwad.

Lama qiyaasi karo sida ay ku dhammaan doonto dacwadda laga gudbiyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, waxaase loo badinayaa in guddigu uu ugu dambeyn aqbali doono xildhibaanimada Mahdi.