Ganacsade caan ahaa oo la dilay !!!!

Guriceel (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas galabta lagu dilay ganacsade caan ah.

Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Axmed Jaamac Cabdulle ayaa lagu dilay deeganka Dhabad, waxaana lala dilay qof kale.

Maamulka degmada Guriceel oo caawa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay ganacsadahan in ay dileen kooxo hubeysan, waxaana la sheegayaa dilkiisa in uu la xiriiro aanooyin qabiil.

Deeganka lagu dilay ganacsadahan ayaa waxaa ka taagan caawa xiisad collaadeed, waxaana laga cabsi qabaa in ay ka dilaacaan dagaal beeleedyo.

Dilalka noocan oo kale ayaa ku soo noq noqda gobalada dalka Soomaaliya waxaana ka dhasha raad aad u xun iyo dagaallo aaan dhammaad lahayn

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com