Golaha wasiirada cusub oo xog dheeri ah ay kasoo baxday iyo xildhibaano…

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah kulan ku yeeshay odayaal iyo wax garad kuwaasoo ka hadlay soo xulista golaha wasiiradda cusub ee Soomaaliya.

Waxa ay kulankooda ku soo bandhigeen xog ku saabsan dadka ugu badan ee araajida codsiga u gudbiyay ra’iisal wasaaraha cusub, kuwaasoo doonaya in ay ka mid noqdaan xubaha wasiiradda waxaana ay sheegeen in ugu badan yihiin xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Boqor Cabdi Faarax Guure oo u hadlay odayaasha kulanka ku yeeshay Muqdisho, ayaa warbaahinta u sheegay in ka badan 300 oo CV in loo gudbiyay xafiiska ra’iisal wasaaraha, kuwaasoo lagu doonayo xilal wasiiro ah, wuxuu ugu baaqay baarlamaanka in ay ra’iisal wasaaraha ka daayaan codsiyada fara badan.

“Ilaa hadda inta ognahay codsiyada loo gudbiyay ra’iisal wasaaraha in ay ka badan 300 waxaana ay u badan yihiin kuwa ka yimid xildhibaannada baarlamaanka, arrintaas waa ayaano daro qof xil haya haddana in uu xil kale doonayo, waa in fursad la siiyo dadka aqoonta leh ee xilkaas u qalma” ayuu yiri boqor Cabdi Faarax.

Dhinaca kale, odayaasha maanta ku shiray Muqdisho ayaa ra’iisal wasaaraha ka codsaday in uu soo dhiso xukuumad tayo fiican oo dalka iyo dadka wax u qaban karta.

Mar la weydiiyay boqorka sidda ay u arkaan haddii golaha wasiiradda lagu soo darro xubno horre uga tirsanaa xukuumadii Saacid.

Wuxuu sheegay in aysan diiddaneyn haddii lagu soo daro, waayo ayuu yiri kuwa fiican ayaa ku jiray, “Annaga xukuumad tayo leh oo wax ka qaban karta xaaladda dalka ayaan rabnaa” ayuu yiri.

Ugu dambeyn odayaasha maanta ku shiray Muqdisho waxa ay soo dhaweeyeen in xukuumadda cusub la ballaariyo oo ay iska arkaan dhammaan beelaha Soomaalida.

Si kastaba, hadalka odayaashan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan la filaayo in uu ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ku dhawaaqo golaha wasiiradiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com