XOG: HABAR-GIDIR oo diiday Guuleed & kullan lagu kala dareeray, Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha Beesha Habargidir, ayaa waxa ay magaalada Muqdisho ku yeesheen kullan xasaasi oo lagu lafa guray xilka wasiirka ah ee beeshaas ay ka heleyso xukuumadda cusub iyo shaqsigii beesha u matali lahaa.

Kullanka ayaa waxaa qaban qaabiyey odayaal kasoo jeeda Jilibka Sacad, oo la sheegay inuu gadaal ka riixayey wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Kariim Xuseen Guuleed, oo taageero u raadinaya sidii uu mar kale xilkaas u heli lahaa.

Sida ilo xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online, Guuleed ayaa dareemaya inuu lumiyey taageerada beelaha kale ee Habar-Gidir iyo sidoo kale Soomaalida, xilli uu ka mid yahay wasiirada ugu wax-qabadka xun DF.

Dhammaan jilibyadii Habar-Gidir ee ka qeyb galay kullanka sida Cayr, Saleebaan iyo Saruur, ayaa la sheegay inay diideen in loo soo celiyo Guuleed.

Waxa ay ku doodeen in Guuleed uusan beeshaas iyo Soomaalida kaleba waxba u qaban.

Xubnihii Sacad, ayaa si aad ah isugu dayey inay taageero u helaan Guuleed, balse waxaa la sheegay in xubnihii beelaha kale ay diideen, kullankiina lagu kala dareeray.

Si kastaba, waxaa is weydiin muudan in diidmadooda ay wax saameyn ah yeelan karto, maadaama Guuleed uu saaxiib dhow la yahay madaxweynaha iyo Faarax Cabdul Qaadir, kana tirsan yahay kooxda xukunta dalka Somalia ee Damu-Jadiid?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com