Ganacsade AXMED TAHLIIL oo lagu dilay GAALKACYO

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil ay maanta kooxo hubeysan ganacsade caan ahaa ugu gaysteen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaano Jiiro Cabdullahi Yuusuf, ayada oo loo gaystay marxuum Axmed Tahliil Xaaji Aadan oo kamid ahaa ganacsatada magaalada, kaas oo la sheegay in muddo uu halkaas ku ganacsanayey.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in marxuumka lagu dhex dilay goobtiisa ganacsi, ayada oo ay gaari ku baxsadeen raggii ka dambeeyay falkaasi.

Lama aqoonsan weli heybta kooxda ka dambeysay toogashada saaka loo gaystay Allaha u naxariistee marxuum Axmed Tahliil oo si weyn looga garanayay deegaanka.S

Sidoo kale ma cadda sababta loo dilay marxuumka, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland oo haatan baaritaano ka wada waqooyiga Gaalkacyo.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dilkaasi iyo howlgallada sii xigay.

Gaalkacyo ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayay falal ammaan darri oo u badan dilal qorsheysan, kuwaas oo marar badan kusoo noq-noqday magaaladaasi.

Intooda badan dilalka ayaa salka ku haya aanooyin qabiil oo ka taagan magaaladaas iyo deegaanada kale ee ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.