Xog: MASAR iyo TURKEY oo isku raacay inay Itoobiya ka difaacaan badda Soomaaliya

Qaahira (Caasimada Online) –Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa 12 sano kadib shalay booqasho ku tagay caasimadda dalka Masar ee Qaahira, waana booqashadii ugu horeysay ee dalkaas uu ku tegay tan iyo markii uu qabtay xilka Madaxweynaha.

Kulan xasaasi ah oo arrimo badan ay uga wadahadleen ayaa Qaahira ku dhex-maray labada madaxweyne ee Masar iyo Turkiga, waxaana kulankaas lagu soo hadal-qaaday xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, kulankii Qaahira ka dhacay waxay madaxda Turkiga iyo Masar ku go’aamiyeen inay awood ciidan iyo mid diblomaasiyadeedba Itoobiya uga difaacaan madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Booqashada Erdogan ee Masar waxay noqotay safarkii ugu horeeyey ee isaga oo madaxweyne ah uu ku tegay dalkaas, maadaama ay xiisad culusi ka dhaxeysay labada dalka, markii ugu dambeysay Erdogan oo Ra’iisal Wasaare ah ayaa Masar booqday bishii September ee sanadkii 2012-kii.

Xiriirka Qaahira iyo Ankara wuxuu soo maray isbedel aad u weyn 12-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaa xiriirka labada dal aad u sameeyey isbedelkii waagii Gu’ga Carabta, isagoo gaaray heer ay safaaradaha kala rartaan labada dal.

Wixii intaas ka dambeeyey Masar iyo Turkiga waxay joojiyeen dhammaan noocyada xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dhinac, iyo xitaa khilaaf u dhexeeya madaxda labada dal tan iyo 2013-kii, ka hor inta uusan xiriirku si tartiib tartiib ah u hagaagin dhawaan.

Arrinta xusidda mudan ayaa ah in sannadahan oo dhan, iskaashiga dhaqaale ee Masar iyo Turkiga uusan wiiqmin, balse uu laban-laabmay ilaa uu sanadkii hore gaaray $10 bilyan.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa wacad ku maray inuu kor u qaadi doono ganacsiga kala dhaxeeya Masar oo uu gaarsiin doono 15 bilyan oo dollar muddo gaaban gudaheed.

Sidoo kale Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in labada dal ay qiimaynayaan iskaashiga tamarta iyo difaaca, si ay u balaariyaan xiriirka labada wadan ee Masar iyo Turkiga.