‘FARMAAJO iyo SHARIIF yey warqado soo tuurin ee ha yimaadaan baarlamaanka’

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa u jawaabay madaxweynayaashii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo si weyn u dhaleeceeyay madaxweyne Xasan Sheekh, kadib markii ay ku eedeeyeen arrimo la xiriira dastuurka.

“Si arrintan bilowga ah fursad loo siiyo waxaan isla meel dhignay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu hakad galiyo galka la xiriira wax-ka baddalka dastuurka muddo laba asbuuc ah. Hase yeeshee, waxaa muuqata kaalintii odaynimo aanu isu xilqaannay in ay mira dhali wayday kaddib markii aanu dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wax jawaab celin ah ka waynay, uuna mar kale ku dhaqaaqay jabinta qodobkii shardiga u ahaa in wada hadalladu ay bilowdaan” ayay ku yiraahdee warsaxaafadeed ay si wadajir usoo saareen.

Xusul ayaa shaaca ka qaaday in aan warqado looga baahneyn Farmaajo iyo Shariif, Balse ay yihiin xildhibaano loogana baahan yahay inay dooda keenaan Baarlamaanka.

“Farmaajo iyo Shariif xildhibaano waayay waxaa la rabaa inay yimaadaan Baarlamaanka oo ay aragtidooda ka dhibtaan ee ma ahan inay bannaanka warqado kasoo tuuraan” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu ku daray “Xildhibaano waayay Golaha Shacabka ayay imaan karaan dood ayay leeyihiin, xasaanad ayay leeyihiin golaha ayay nagala tirsan yihiin hasoo dhowaadaan”

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in taladooda u egtahay mid qasab ah, laakiin aanay suuragal ahayn, maadaama buu dalka uu leeyahay madax hoggaamiso.

“Talo waxaa talo waa loo yiri in laga qaadan karo, lagaana qaadan karin, laakiin taladu ma la rabo inay noqoto san ka gelis oo wixii aan sheego hala qaato” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dood xoogan ay ka taagan tahay wax ka beddelka dastuurka oo ay isku hayaan Villa Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka ah.