Ganacsade ay beeshiisa u diiday kursigii xildhibaan oo madaxweyne isku sharxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullahi Cali Axmed oo loo yaqaan Caddoow Cali Gees oo ka mid ahaa xildhibaanadii baarlamaanka 10-aad iyo 9-aad ayaa ku dhawaaqay inuu yahay murashax madaxweyne. 

Caddow Cali Gees, oo shir jar’aaid ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay inuu hormuud u noqon doono murashaxiinta isbadal doonka ah.

Murashax madaxweyne Caddow Cali Gees ayaa sidoo kale hambalyo u diray guddoonka baarlamaanka Soomaaliyeed labadiisa aqal, isagoona kula dardaarmay inay dalka ugu adeegaan si daacad ah oo isbadalka dhacay mid la mid ah dalka ugu doortaan madaxweyne cusub.

Waa markii labaad oo ganacsade Caddow Cali Gees uu isku soo sharxo xilkan, waxaana la ogyahay in baarlamaankii u danbeeyay ee uu ka tirsanaa inuu ku bixiyay ka mid noqoshadiisa lacag dhan nus milyan dollar, isagoona hal kulan kaliya lagu arkay, balse ujeedada uu ka lahaa ay aheyd inuu ka dhigto difaac iyo xasaanad uu hantidiisa ku ilaashado.

Musharax Caddow Cali Gees ayaa beesha uu ka dhashay ee Waceysle waxay sanadkaan u diideen kursigii xildhibaannimo, kadib markii ay ku eedeeyeen inuu ku matali waayay shantii sano ee lasoo dhaafay, isaga oo aan xitaa hal mar lagu arag kulamada baarlamanka, wax xuquuq ahna aanan ugu soo dhicin beesha uu matalo.

Waxaa laga yaabee in dad badan isweydiiyaan sidee qof beeshiisa u diiday kursigii xildhibaannimo u geli karaa tartan madaxweyne, ama dalkaan madaxweyne ugu noqon karaa? Waxaase laga yaabaa in musharaxnimadiisa ay tahay mid magac doon ah iyo in CV-ga u gasho inuu tartamo markiisii labaad.

Caddow Cali Gees ayaa ah ganacsade qandaraasyo dhowr ah ka heysta howlgalka Midowga Africa ee ATMIS oo horay loo oran jiray AMISOM.