Wada-hadallo u bilowday Qoor Qoor iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib natiijooyinkii lama filaanka ahaa ee doorashooyinkii guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Dalku wuxuu u jiheystay loolanka doorashada madaxweynaha.

Mucaaradka loo badinayo inuu dhankooda ka imaan karo hoggaanka cusub ee Dalka ayaa durba bilaabay xod-xodashada dhanka kale.

Madaxweyne Farmaajo oo dadka qaar shaki xoog leh gelinayaan tartankiisa ama inuu mar labaad ku guuleysan karo hoggaanka dalka ayaa ragga ku hareereysan waxay hadda u muuqdaan inay bilaabeen inay si waaqici ah u fakaraan.

Dhanka mucaaradka waxaa billaabatay in la kala xigsado halgankii shantii sano ee lasoo dhaafay. Doorashadii la is buurtay ee Golaha Shacabka waxaa soo baxday inay qiimo weyn ku fadhiyaan dadka mucaaradka saxda ah loo yaqaano.

Tusaalaha ugu fudud waa xildhibaan Sacdiya oo mucaaradka buuxda loo yaqaano inay guddoomiye ku-xigeenka koowaad uga adkaatay Caana-nuug oo aysan mucaaradnimadiisa caddeyn muddo hore.

Labadii Cisho ee lasoo dhaafay Muqdisho waxaa ka bilowday kulamo u dhaxeeya hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Dooda Labada Nin waxay ku qotantaa Kursiga madaxweynaha Soomaaliya. Qoor Qoor wuxuu isku dayey todobaadkii lasoo dhaafay inuu guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare u dhiso Cabdixakiim Macalin Axmed, waana looga soo adkaaday, balse hadda waxaa muuqata inuusan rabin inay xisaabta ka qaldanto.

Soomaaliya, madaxweynaha ayaa ah awoodda saxda ah. Farmaajo wuxuu soo kordhiyey in Gole Baarlamaan uusan wax weyn u dhibi karin madaxtooyada, wuxuuna muujiyey in la eryi karo guddoomiyaha baarlamaanka haddii uu madaxweynaha ka hor yimaado, waxaana macquul ah inuu dhaqankaas muraajaceeyo qof walba oo qabsada Villa Somalia.

Dalkaan awoodiisa waa dhaqaalaha iyo ciidanka waxaana gacanta ugu weyn ku leh qofka noqda madaxweynaha. Loolanka dhabta ah hadda ayuu bilowday.

Madaxda maamulada ee aan musharixiinta aheyn waxay ka fakarayaan inay abuuraan dariiq aysan kaga baaqsan karin guusha.

Sida aan xogta ku helna,y dooda u bilaabatay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Qoor Qoor waxay leedahay rajo wanaagsan oo horudhac ah, waxayna xalay yeesheen kulankoodii labaad, waxayna mar kale ka isku soo qaadeen dooda hoggaanka Villa Somalia.

Xubno mucaaradka ka mid ah oo diidan wada-hadalladan ayaa dagaal toos ah ku qaaday Qoor Qoor, laakiin dhinaca kale waxaa laga bixiyey turjumid ah inay rabaan inay kaligood isku muujiyaan inay mucaaradka yihiin.

Haddii dalkaan waxa la sarifanayo yihiin halgankii mucaaradnimada ee Farmaajo lala galay, Warsame wuxuu ku suntan yahay mucaaradkii ugu weynaa shantii sano ee lasoo dhaafay, ayey leeyihiin dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya.

Warar dheeraad ah oo ku saabsan kulamada Labada Mas’uul waxay sheegayaan in la filayo inuu Ra’iisul Wasaare Rooble ku biiro doodaan sababtoo ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Qoor Qoor waxay aaminsan yihiin in wadajirkooda uu wax badan goyn karo.

Saddex geesoodkaan ayaa la aaminsan yahay inuu abuuri karo jawi ka gadisan midka hadda suuqa yaala. Xubnaha mucaaradka qaar oo maalmahaan isku dayey inay kaartada mucaaradnimada kaligood isku xayeysiiyaan ayaan la ogeyn sida ay uga falcelin karaan hilaacaan cusub.

Rooble oo isagu ku suntan inuu soo bandhigay lixdii bilood ee lasoo dhaafay sida uu uga shaqeenayo inuu dalkaani aado isbadal ayaa marxaladaan ka goyn karo wax weyn.

Natiijooyinkii kasoo baxay doorashada guddoonkii Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lumiyey saadaashii suuqa taalay ee doorashada madaxweynaha, maadaama ay xildhibaanadii noqdeen kuwa aan la saadaalin karin taasoo si deg deg ah u furtay loolanka kursiga madaxweynaha.