Muxuu noqon karaa xalka xildhibaanada gobolka Gedo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Buuq ayaa ka dhashay kulankii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka ee uu shalay xilka kula wareegayay gudoomiyaha cusub ee Barlmaanka, kadib markii ay soo xaadireen xildhibaannada laga soo doortay Ceelwaaq iyo xubno sheeganaya xildhibaano oo ka yimid Garbahaarey.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa sheegay inuu kasoo arrimin doono xaalka xubnahaas isku dhex qabsadey xarunta golaha Shacabka.

Prof. Xusee Warsame oo barre ka ah jaamacadda Calgry ee dalka Canada wareysina siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in arrin noocaan oo kale aysan dalka soo marin, islamarkaana ay tahay wax cusub.

“Guddoomiyaha cusub waxaa hor taala shaqo culus, wuxuu dhexda kaga jiraa laba koox oo mid walba ay sheeganeyso sharci, haddii ay yiraahdaan sharciga ayaan raaceynaa, waxaan u maleenayaa inay ku adkaanto doonto,” ayuu yiri Prof Xuseen.

“Waxay noqon doontaa in la sameeyo guddiga kasoo baaraan dago go’aankii laga qaadan lahaa sidoo kalana labada dhinac soo kala waydiiyo sida ay sharci ku yihiin,” ayuu sii raaciyey.

Mar wax laga waydiiyey in go’aanka xubnahaan uu kaliya qaadan karo guddoomiyaha baarlamaanka iyo haddii uu go’aanka u yaalo guud ahaan baarlamaanka ayuu ku jawaabay “Aniga ilama ahan in guddoomiyaha kaligiis uu go’aan ka gaari karo arrintaan, waa arrin culus waxaana filayaa inay ku adkaan doonto.”

Prof. Xuseen ayaa sheegay inuu xalka u arko seddexdaan qodob oo mid uu ku sheegay inuu yahay qodob liita

1- In guddi deg deg ah loo saaro arrintaan oo ay labada dhinac dhageystaan, ama in xubnaha is heysto ay doodooda kusoo badhigaan baarlamaanka hortiisa markaas kadibna uu guddiga go’aan ka gaaro

2- In meesha laga saaro 32 xubnood ee kasoo kala baxay Ceelwaaq iyo Garbahaarey islamarkaana doorasho cusub lagu qabto baarlamaanka hortiisa lana soo sameeyo ergo cusub oo xildhibaanada doorato.

3- Qodobka saddexaad oo uu arko inuu aad u liito ayuu ku sheegay inay tahay in loo qori tuuro 32 xubnood ee xildhibaanada sheeganayo sidaasna lagu soo saaro 16-ka saxda ah.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysigiisa oo dhammeystiran