Dacwad oogayaasha dalka Talyaaniga oo faro-geliyey khilaafka safaarada Soomaaliya

Roma (Caasimada Online) – Waxaa meel sare gaaray khilaafka ka dhex taagan safaaradda Soomaaliya ee ku taal degmada Prati ee magaalada Rome kadib shaqo joojintii lagu sameeyey safiir Maxamed Cabdiraxmaan Sheekh Ciise.

Dacwad oogayaasha dalka Talyaaniga ayaa soo farageliyey khilaafka, waxayna sheegeen inay baarayaan khilaafka u dhaxeeyo mas’uuliyiinta Soomaalida oo ku saabsan ciddii gacanta ku heyn laheyd safaaradda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa markii ay shaqada ka joojisay safiirkii hore waxay 7-dii April sii haye ugu magacowday Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur.

Safiirka xilka laga qaaday ayaa diiday sii hayaha xilka loosoo magacaabay, wuxuuna ku dooday inay kaliya aqbali karaan in xilkan loo magacaabo qof ka tirsan safaaradda, wuxuuna isaga safaaradda madax ka ahaa afartii sano ee lasoo dhaafay.

Warqad qoraal ah oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya u dirtay dhiggeeda Talyaaniga ayaa lagu sheegay in Maxamed Cabdiraxmaan Sheekh Ciise uu waqtigiisa ku ekaa 28-ka March.

Magacaabida Axmed C/raxmaan Sheekh Nuur ayaa ku soo beegantay todobaad ka hor inta aan la dhaarin baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, waxaana  Axmed Cabdraxmaan Sheekh Nuur uu horay u soo noqday Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Lusaka, wuxuuna ka duulay Muqdisho dhamaadkii bishii March si uu ula wareego Safaaradda.

Safiirka xilka laga qaaday ayaa sidoo kale ku doodayo inaan lasoo ogeysiin imaanshaha safiirka cusub, islamarkaana uu si lama filaan ah ku yimid caasimadda Talyaaniga, kadibna qufushay safaaradda isaga oo aan soo marin nidaamkii diblomaasiyadeed..

Mar wax laga waydiiyey safirkii xilka laga qaaday inuu ogol yahay in xilka laga qaado ayuu ku jawaabay “Waa caadi in xila la iska qaado, weliba maahan wax cusub in xilliyada kala guurka ah la sameeyo xil ka qaadis iyo magacaabis tiro badan oo dhanka safaaraha ah.”

Mas’uuliyiinta Talyaaniga ayaa ku andacoonaya in Sheekh Nuur oo ay wehlinayeen labo saaxiibbadiis ah oo Muqdisho ka tegay ay gudaha u galeen safaaradda kadibna ay u diideen safiirka iyo xubnaha shaqaalaha inay gudaha u galaan dhismaha.

Safiirka cusub ayaa arrintaan ku tilmaamay inqilab, isagoo Booliiska Talyaaniga u sheegay la wareegitaanka safaaradda iyo in ammaankiisa safiirnimo uu halis ku jiro. Waxa uu u sheegay in laga hor istaagayo gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegtay in Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur uu adeer u yahay Madaxweyne Farmaajo, waxayna ka dhawaajisay in khilaafka dublamaasiyiinta uu salka ku hayo khilaafka u dhaxeeya kooxaha kala duwan ee ku loo lamaya Soomaaliya.

Cali Abuukar Xayo oo ah qareenka u doodaya safiirka xilka laga qaaday ayaa warbaahinta Talyaaniga u xaqiijiyay in dacwad oogayaasha ay ku howlan yihiin kiiskan, isla markaana uusan ka hadli doonin wax intaas ka badan oo ay ku ixtiraamayaan baaritaanka furan.

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa shaqo joojin ku sameysay dhowr safiir, waxaana muuqata in wasaaradda ay sameeneyso sidi caadada u aheyd oo ah in laga faa’ideysto waqtiga kala guurka ah.