Ganacsade kasoo jeeda KOONFUR GALBEED oo lagu dilay magaalada Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ay saaka kooxo hubeysan ka gaysteen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo gaystay ganacsade kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, kaas oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdiraxmaan Cabdi.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka la toogtay, isaga oo kasoo baxay Masaajidka oo uu kusoo dukaday Salaaddii Subax, waxaana baxsaday raggii ka dambeeyay falkaasi.

Marxuum Ibraahim Cabdiraxmaan wuxuu sidoo kale ahaa madax iyo hogaan dhaqanba u ahaa bulshadda reer Koonfur Galbeed ee ku nool magaalada Boosaaso, halkaas oo uu joogay inuu ka shaqeysto, wuxuuna kamid ah ganacsatada laga yaqaano magaaladaasi.

Dilkiisa kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland oo illaa iyo hadda baaritaano wada, si ay gacanta ugu soo dhigaan dambiilayaasha.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee loo dilay ninkan, mana jiro weli wax war ah oo kasoo baxay madaxda sare ee Puntland oo ku aadan dhacdadaasi.

Boosaaso ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay falal ammaan darri, waxaana kamid ah dil Jimcihii magaaladaas loogu gaystay Marxuum Khadar Cabdi Cali oo ahaa guddoomiyihii dhalinyarada Soomaali Galbeed ee Puntland oo gurigiisa lagu dhex dilay.

Puntland ayaa hadda wajahaysa xaalad adag oo ka dhalatay doorashada, taas oo ay isku hayaan xubnaha mucaaradka ah iyo madaxweyne Saciid Deni, taas oo loo badinayo inay ka mashquulisay wax ka qabashada falalka ammaan darri ee ka dhacaya gudaha maamulkaas.