Howl-gallo culus oo maalintii labaad ka socda HIIRAAN

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maalintii labaad howl-gallo culus ka wada deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Howl-galka maanta oo ahaa sifeyn, ayaa waxaa la arkayay iyada oo meydad ay qaadan waayeen kooxda Al-Shabaab ay yaalaan waddooyinka.

Deegaannadii shalay jabka iyo duqeynta loogu geystay kooxda ayaa saaka loogu tagay meydad cadowgu ka cararay waxayna ciidanka sii baacsanayaan haraadiga cadowga, sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta.

Howl-galka oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga iyo saaxiibada caalamka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Hilow Bacaad oo 8 KM u jira magaalada Halgan ee Ggobolka Hiiraan, waxaana halkaas lagu dilay in ka badan 60 ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in ciidamada isgarabsanaya ay burburiyeen, islamarkaana ay cagta maryeen saldhiyo ay kooxda ku laheyd halkaasi.

Ergeyga Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha Macaawisleyda Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiil xoogga dalka ka tirsan ayaa maanta tagay goobihii kooxda lagu jabiyey.

Masuuliyiintan ayaa waxay ku bogaadiyeen geesiyaasha qaranka beegsiga kooxda Al-Shabaab, iyagoo sidoo kale ku booriyay dardar-gelinta howl-gallada kooxda looga xoreynayo deegaanada ay weli ku harsan yihiin.

Si kastaba, Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, islamarkaana khasaare culus lagu gaarsiiyay wejigii koowaad ee dagaallada haatan ka socda dalka.