Xasan: Inaan siyaasada soo galo waxaa igu dhiirageliyay AUN Cabdulqaadir Yaxye

Rotterdam (Caasimada Online) – Kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen “Beesha Nabadda” oo ah Hay’ad loogu magac daray ALLAHA u naxariistee Cabdulqaadir Yaxye oo ahaa Agaasimihii CRD iyo shaqsi u ololeyn jiray nabadda Soomaaliya oo 2005-tii lagu dilay Muqdisho ayaa lagu qabtay magaalada Rotterdam ee dalka Netherlands.

Cali Yaxye oo ay walaalo yihiin Cabdulqaadir ayaa dhowr sanno ka hor isaga oo kaashanaya qaar ka mid ah hormuudka jaaliyadaha Soomaalida Holland wuxuu hirgeliyay Hay’adda (Yahye Peace Foundation); hay’adaas oo iska xilsaartay in ay qarashaadka waxbarashada ka bixiso caruur danyar ah oo aysan waalidiintoodu awoodin in ay ka bixiyaan qarashaadkaas, lagana soo kala xulay Gobolada Soomaaliya iyo caasimada. 

Kulankan xalay ayaa ujeeddadiisu aheyd in xubnaha “Beesha Nabadda” ay la wadaagaan waxqabadka iyo howlaha hay’adu ka wado gobolo ka tirsan dalka iyo caasimada hormuudka Jaaliyadda.

Aasaasaha Hay’adda Cali Yaxye, Xuseen Khadhiib, Liibaan Honest, Zahra Ilkacas, Hodan Cumar Dhuule, iyo xubno kale oo laf-dhabar u ah waxqabadka iyo dedaalada ay Hay’adda Nabadda Cabdulqaadir Yaxye ayaa khudbado ka jeediyay kulanka.

Sidoo kale, dadkii ka soo qeybgalay ayaa daawaday muuqaal laga soo duubay shaqsiyaad ay ka mid yihiin Madaxweyne Xassan Sheekh oo ay marxuumka ka soo wada shaqeeyeen hay’adii CRD, wuxuuna sheegay Xasan in Cabdulqaadir uu ahaa shaqsigii ka dambeeyay in Xassan Sheekh uu siyaasada soo galo, isaga oo ku tilmaamay tiir muhiim ahaa oo Soomaaliya ka baxay.

Jabriil Cabdulle oo dhowaan loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, isla markaana ahaa shaqsigii la wareegay hogaanka hay’adda CRD geeridii Cabdulqaadir kaddib ayaa khudbad ay qiiro ka muuqatay jeediyay, isaga oo ku tilmaamay Cabdulqaadir inuu u ahaa waalid iyo walaal.

Gabagabadii kulanka xubnihii hay’adda “Yahye peace foundation” iyo dhammaan dadkii ka soo qeybgalay waxeey isku afgarteen in halkaasi laga sii ambaqaado “Legacy” uu ka tegay Cabdulqaadir. 

“Mustaqbalka dhow waxaan rajeynayaan in Soomaaliya laga hirgeliyo machad loo gaar yeelatay waxqabadkii iyo hadafkii uu u taagnaa Cabdulqaadir Yaxye,” ayuu yiri aasaasaha hay’adda Nabadda Cabdulqaadir Yaxye.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA KULANKA