Somaliland oo soo qabatay raggii ka dambeeyay dilalkii ka dhacay HARGEYSA

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Somaliland oo howlgallo ka sameeyay gudaha magaalada Hargeysa ayaa ugu dambeyntii gacanta kusoo dhigay koox rag ah oo maalmihii dambe dilal qorsheysan ka gaysanayay caasimada maamulkaasi.

Ciidanka amniga ayaa howlgal kusoo qabtay laba eedeysane oo loo haysto inay ka dambeeyeen dilal si abaabulan loogu gaysanayay darawallada ka shaqeeya Takaasida.

Labada eedeysane ayaa waxaa kala magacaabaa Xamse Cabdi Saleebaan oo 23 sano jir ah iyo Ayaanle Muxumed Xaashi oo isna ah 22 sano jir, waxaana loo haystaa inay dil iyo dhacba u gaysteen Marxuum Maxamuud Xasan Dacar  oo ahaa wadaad 46 sano jir ahaa.

“Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanayaasha  kala ah 1- Xamse Cabdi Saleebaan ina Sahra Cabdi 23jir 2- Ayaanle Muxumed Xaashi  ina Faadumo Maxamed  22jir oo ku eedaysan  inay  14-11-2023ka Ku dileen marxuum Maxamuud Xasan Dacar  ina Qamar Ducaale 46jir Isha Cobosha Masallaha Galbeed  kuna dhuftay 9-Mindiyood , kadibna baadhay qaatayna    mobile-kiisii , waxaana loo hayaa markhaatiyaal cadcad inay  Marxuumka dileen, marxuumka ayaa ahaa darawal  ku shaqaysta Gaaddiidka dadweynaha ee loo yaqaan (Probox-ta), waxaanay  yidhaahdeen naga kiree , iyagoo markii dambana halkaasi ku dilay Marxuumka alle ha u naxariistee” ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday taliska Booliska Somaliland.

Sidoo kale waxaa qoraalka la raaciyay “Dedaal dheer, hawlgallo iyo baadhid badan oo ay  sameeyeen Ciidanka Boolisku ayay kusoo qabteen Eedaysanayashaa , waxaanna hadda ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska”.

Eedeysanayaashan ayaa sidoo kale loo haystaa fal kale oo lagu dhaawacay muwaadin lagu magacaabo Mustafe Cali Cabdilaahi oo isna ah darawal, waxayna u gaysteen dhac.

“Dhanka kale eedaysanayaasha ayaa 3-11-2023kii  Sacaadadiin horteeda ka kiraystay gaadhi Vitz ah oo uu watay dhibane Mustafe Cali Cabdilaahi  kaasi oo ay la tageen Qudbiga Sheekh Cumar agtiisa kadibna ay dhaawacyo u gaystay , sidoo kalana ka  qaaday mobile uu sitay , kana tuuray gaadhigii. Waxaanay gaadhigii kaga tageen meel cidla ah inta ay  waxii ku jiray kala baxeen. Ciidanka Boolisku waxuu  degdeg u horgaynayaa Sharciga eedaysanayaashaasi” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska.

Ugu dambeyn Somaliland ayaa farriin u dirtay wadayaasha gaadiidka, waxayna ugu baaqday inay feejignaan sameeyaan, iskana fiiriyaan dadka ka kireysanaya baabuurta.

“Taliska Ciidanka Booliska JSL waxuu darawallada  ku shaqaysta Gaaddiidka yaryar ee kala duwan u soo jeedinayaa inay  taxadar badan ka muujiyaan dadka ay qaadayaan , waxii ay ka shakiyaana  degdeg ula soo wadagaan Ciidanka Booliska . Ciidanka Boolisku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta  oo isku dayda khalkhal galinta nabadgalyada iyo waxyeellada shacabka ina uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono” ayaa lagu soo gabagabeeyay.