Soomaaliya: 110 qof oo la shaaciyey inay ku dhinteen…

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa warbixin cusub kasoo saartay xaaladda ka taagan gobollada dalka ee ka dhalatay saameynta roobabka iyo daadadka El-Niño.

Xafiiska isku-xirka arrimaha bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay (UN-OCHA) oo soo saartay warbixintan ayaa shaacisay in dadka ku dhintay fatahaadaha Soomaaliya ay kor u dhaaftay 110 qof.

UN-OCHA ayaa waxay sheegtay in sidoo kale ay in ka badan hal milyan oo qof ku barakaceen fatahaadada Soomaaliya iyo saameynta ka dhalatay.

Sidoo kale waxay shaacisay in kiisas looga shakisan yahay cudurka Daacuunka iyo Shuban-biyoodka laga soo sheegayo deegaannada dowlad-goboleedyada qaarkood, gaar ahaan HirShabeelle iyo Galmudug.

“30% ayaa gargaar helay dadka ay dhibaatadu saameyay,” ayay hay’adda ku sheegtay warbixinteeda, taasi oo muujinaysa baaxada saameynta ka dhalatay roobabka iyo fatahaadaha ee gudaha Soomaaliya.

Roobabka toddobaadyadii ugu dambeeyay ka da’ay Soomaaliya ayaa dhaliyay daadad xooggan, oo ay ka dhasheen khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhawaac iyo khasaare hantiyadeed, iyo weliba barakac horleh.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa in la caawiyo dadka ku dhex go’doonsan magaalooyinka ay biyuhu harqiyeen, waxaana laga deyrinayaa saameynta ballaaran ee ka dhalatay fatahaadaha, ayada oo deegaanada qaarkood ay biyaha ka sare mareen.