Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

Pretoria (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay muwaadin Soomaaliyeed oo sidoo kalena ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan gudaha wadankaasi lagu toogtay agagaarka magaalada Pretoria.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Mahad Dheere ayaa dilkiisu waxa uu ka dhacay goobtiisa ganacsi oo lu taallay degmada Malmelodi oo hoostagta Pretoria.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in muwaadinkaasi Soomaaliyeed oo dhalinyaro ahaa in la dilay, xilli uu ku guda jiray howlihiisa shaqo maalmeed.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika ayaa sidoo kale sheegay in kooxdii ka dambeysay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen falka, kadib.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo baaritaano kooban ka sameeyey xaafadda uu dilku ka dhacay, balse kama aysan hadlin dhacdadaasi.

Soomaali badan ayaa ku nool dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo ganacsiyo kala duwan ku leh magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi, iyaga inta badan wajaha xaalado aad u adag.

Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa isa soo tarayey dilka, dhaawaca iyo weerarada loo geysnayo ganacsatada Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika.