Ganacsatada Eastleigh oo waajahaya mustaqbal mugdi ku jiro kadib markii…

Milkiilayaasha ganacsiga ee Eastleigh aya sheegaya in ay qarka u saaran yihiin in ay dukaamadooda xidhaan iyada oo macaamiishii iyo ganacsatadiiba aysan aaggaas imaanaynin iyaga oo ka baqaya hawlgallada dhinaca ammaanka ah ee ay dawladda Kenya waddo iyo khatarta argagixiso.

Dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee Eastleigh ayaa hoos u dhacay boqolkiiba 60% ilaa iyo markiihawlgalka ammaanku bilawday bishii April, in ka badan 150,000 oo qof oo si toos ah ugu tiirsanaa ganacsiga aagaas ka socda si ay nolol maalmeedkooda u soo saartaanna hadda waxaa haysata mustaqbal aan la garanaynin meesha uu ku danbayn doono, ayuu sheegay Xasan Maxamed oo ah gudoomiyaha Ururka Ganacsiga Bulshada Eastleigh.

“Xaaladdu aad ayay u xuntahay,” ayuu yiri. “Ganacsatada ayaa haya alaab badan oo dad yar ay iibsanayaan.”

Eastleigh ayaa ahayd meel 24-ka saac ganacsiga u furan ka hor intii uusan hawlgalka ammaanku bilaabanin, ayuu sheegay Maxamed. Hadda, si kastaba ha ahaatee, kadibmarkii weerar isadaba jooga ah oo argagixiso lagu qaaday Nairobi iyo hawlgalladii ammaanka ee ka danbeeyay ee dhaliyay qabqabashada ballaaran , ayaa dadka aaggaas daggani ka labalabeeynayaan tagitaanka goobahaas.

Ganacsato badan ayaa aaggii ay ganacsiga ku haysteen ka tagay.

“Yaa u malaynayay in meel ganacsigu uu aad uga socday, dukaamo waawayn oo laga ganacsadana lahayd sida Garisa Lodge in ay hadda dukaamo badan ka banaan yihiin?” ayuu yiri Maxamed. “Garisa Lodge iyo dukamaada kale ee waawaynba waxay la harjadayaan sdii ay ku soo jiidan lahaayeen ganacsato cusub walina kuma guulaysanin, waana niyad jab in maalin walba oo [dukaamadaas yar yar] aysan shaqo ganacsi ka soconin in ay tahay in milkiilayaashii uu khasaaro badan soo gaadhayso oo ah ijaarkii oo ay waayayaan.”

Intaas waxaa dheer, ayuu sheegay, in hawlgalka booliiksu uu fariimo khladan gudbinayo oo ah in Eastleigh ay argagixisada iyo mujrimiinta ay gabaad u tahay, sidaas darteedna ay qaar aan Muslimimiin ahayn ay niyad jab ku noqonayso in ay ganacsi la sameeyaan ganacsatada Muslimiinta ah.

Ganacisga oo laa harjadaya iibkii oo si weyn hoos ugu dhacay

“Waxaan lahaa dhawr macaamiil oo aan Muslimiin ahayn kuwaas oo aan isla markiiba wici jiray markii aan sariiraha iyo furaashyada aan Dubai ka keeno, iyaguna way imaan jireen wax badana way iibsan jireen. Laakiinse hadda, talefoonka xaataa igama qabtaan,” Yaxya Cumar oo 27 jir ah lehna Dukaanka Bahati Bazaar ayaa sidaas yiri.

“Waxan ku jirnaa maalmo uu ganacsigu nagu xun yahay oo aan iibiyo kaiya shan go’ sariireed, halka aan hawlgalka ka hor, iibin jiray in ka badan 20 xabbo maalinkii, markii ay macaamiishu badan yihiina, shaqada wakhti danbe oo habeen ah ayaan ka bixi jiray,” ayuu sheegay. “Wax faa’ido ah kama arag howlgalka qabqabashada saabtoo ah waataa dawladdu ay markii dambe sii daysay in ka badan 3,000 oo qof oo ay hawlgalkan ku qabqabatay.”

Cumar ayaa sheegay in hadda ka hor dakhliga bishii soo gala celcelis ahaan uu ahaa 700,000 oo shilin ($8,000), laakiinse dhammaadka bisha April ayaa waxaa kaliya oo soo galay 288,000 oo shilin ($3,300).

“Bishanna waxaan ka cabsanayaa inay intaas ka yaraato sababta oo ah dhawr maalmood ayaa ka dhiman waxaan [kaliya] oon iibiyay alaab qiimaheedu yahay 216,000 oo shlin [$2,500],” ayuu yidhi.

Walwalka Cumar mid la mid ah ayaa wuxuu haystaa Axmed Cali Yuusuf, oo ah 39 jir dukaan sajaayadaha dhulka lagu goglo ku gada Waddada Laba iyo Tobnaad, kaa soo sheegaya in uu ka baqayo in uusan helin 50,00 ee shilin ($570) ee uu u baahan yahay in uu ijaarka dukaankiisa bishan ku bixiyo.

“Hawlgalkan khasaarihiisa ayaa ka badan faa’iidada uu keenay,” ayuu yiri. “Ganacsigayga si aad ah ayay arrintan saamayn ugu yeelatay.”

Yuusuf ayaa sheegay in macaamiishiisa inta badan ay ahaayeen Masiixiyiin kuwaas oo doorbidayay sajaayadaha laga keeno waddanka Turkiya sababta oo ah tayo fiicnidooda iyo qiimahooda, laakiinse hadda inta badan dukaankiisa ma yimaadaan.

Xaataa dadka aan Muslimiinta ahayn ee ganacsiga ku leh Eastleigh ayaa dareemaya dhibaatada hoos-u-dhaca iibka.

“Ma qiyaasi kartid inta macmiil ee aad maalin heli kartid hadda,” Francis Thuranira oo ah 30-jir Masiixi ah oo meel timaha lagu jaro ku leh Waddada Sideedaad ayaa sidaas sheegay.

“Waxaa ii shaqayn jirtay afar shaqaale, dhamaadkii bishii April ayaan saddex ka mid ah sii dayaay si aan mushaharkoodii kayd uga dhigto,” ayuu yidhi.

“Hawlgalka ka hor, macaamiishayda intooda badan waxay ahaayeen Muslimiin kuwaas oon habeenkii sugi jiray marka ay ganacsigooda xidhayaan, laakiinse waxay u muuqataa in ay cabsanayaan in ay habeenkii bareeraan. Waa dhibaato maalin walba na haysata in macaamiil cusub soo jiidanno.

Bilihii hore, ayaa dukaanka waxaa celcelis ahaan imaan jirtay 40 macmiil maalin walba, laakiinse ganacsigii si aad ah ayuu hoos ugu dhacay, iyada oo qiyaastii 15 macmiil ay maalintii timaado, ayuu yidh. “Iyada oo macmiil kasta uu bixinayo 100 shilin ($1.13) si timaha loo jaro, ayaa taas waxay noqonaysaa 4,000 shilin [$45) malaintii, iyo 120,000 oo shlin [$1,365) bishii,” ayuu yiri Thuranira.

Thuranira ayaa sheegay in uu ka xumaaday in uu shaqaalihiisii ruqseeyo, kuwaas oo qaarkood ay u shaqaynayeen ilaa shan sano, lakiinse waa wax lagu khasbanaaday.

“Marka aysan anigu waxba i soo galaynin, shaqaalahayguna waxba ma soo galayo. Dhammaanteen arintan way na saamaynaysaa, laakiinse waxaan rajaynayaa marka la gaadho June in xaaladdu is baddali doonto, kadibna aan dib ugu yeedhi doono kuwii aan wali meel kale shaqo ka helin,” ayuu yidhi.

‘Booliiska oo qof walba cabsi galiyay’

Qofna ma rabo in ay booliisku qabtaan, ama qofkaasi waraaqo aqoonsi oo sax ah ha wato ama yuusan wadanin, ayuu sheegay Isaaq Xasan oo 38 jir ah oo kabaha huudhayda ah ku iibiya Wadada Sideedaad ee Eastleigh.

“Hawlgallada ka hor, meeshani waxay ahayd meel shidan,” ayuu yidhi. “Ganacsatada yar yar ee hawlkarka ah ayaa iibin jiray soona gadi jira malaintii iyo habeenkiiba, laakiinse hadda, ganacsiga intiisa badan wakhti hore ayaa la xidhaa in yar oo macaamiil ahna ay habeenkii isa soo qaddimaan.”

Roseline Kariuki, oo ah 42-jir ahna maamule bangi oo Eastleigh ku yaal, ayaa sheegtay in hawlgallada dhinaca ammaanka ah ay sidoo kale bangiyaduna ay saamayn ka soo gaadhay.

“Waxay u muuqataa in booliisku qof walba cabsi galiyay–xaataa macaamiisha bangiga,” ayay tiri.” Inta badan shaqaalaheenna maqalka lacagta jooga waxba ma qabtaan. Safafkii dhaadheeraa oo ganacsigeenna wanaagsanaa caanka uu ku ahaa ee ka socday xafiisyada baniga wakhti hore ayaa noogu danbaysay.”

Kariuki ayaa sheegtay in aysan kala garanayeen in hawlgalka lala beegsanayay muhaajiriinta aan sharciga lahayn, argagixisada ama shacabka Soomaalida ee ganacsatada ah. “Waxa aan rabo in aan si cad u sheego waxaa weeye in bishii April, ay bangiga soo food saartay lacag ka qaadasho xad dhaaf ah oo ay samaynayaan macaamiil ka cararaysa Eastleigh,” ayay tidhi.

Maxamed oo ah gudoomiyaha Ururka Ganacsiga Shacabka Eastleigh, ayaa sheegay in ay tahay in dawladdu ay arrintan soo dhax gasho ayna ku fakarto in canshuur dhaaf siiso qaybo gacanso oo yar yar si ganacsiga loo dardar galiyo.

“Markii aysan lacag ku filan samaynaynin sida hadda oo kale, ayaa [dhiiri galin dhinaca canshuurta] ay u saamaxaysaa ganacsatada yar yar in ay iska bixiyaan kharashaadka ku laasima, ayuu yidhi. “Dhiiri-galinta canshuurta ayaa suurtagalinaysa sii socdka ganasiga iyo dardar galinta dhaqdhaqaaqyada ganacsiga ee Eastleigh.”

“Waxaan kale oon doonaynaa in dawladu ay sheegto in Eastleigh ay ammaan tahay si dadka Kenyanka ah ay dib ugu bilaabaan in ay yimaadaan oo ganacsina ka sameeyaan,” ayuu yidhi.

Kidero: Caadigeedii ayay Eastleigh dhawaan ku soo noqonaysaa

“In kasta oo ganacsi daro xumi ay Eastleigh ka jirto, ayaa haddana madaxda gobalku ay ku boorinayaan macaamiishu in aysan hoos u dhigin kharashkooda iyo joogitaankoodaba aagga Eastleigh sababta oo ah meeshaas oo aysan dawladdu u aqoon sanin in ay tahay meel aan la tagi karin,” Gudoomiyaha Gobalka Nairobi Evans Kidero ayaa yiri.

Gudmooyiha gobalka ayaa ku booriyay ganacsatada yar yar iyo kuwa dhexaba in ay ganacsigooda sii wataan iyada oo halwgallada ammaanku ay beegsanayaan dambiilayaasha ee aysan beegsanaynin ganacsatada saxda ah. “Waxaan kale oon ganacsatada ka codsanayaa in ay niyada wanaajistaan iyada oo dawladaydu ay raadinayo habab ay sumcad xumida meeshan soo gaadhaysa wax uga qabato,” ayuu yidhi.

Kidero ayaa sheegay in uu doonayo in ganacsiga Eastleigh taageero isaga oo aagaas ka dhigaya meel ganacsigu u furan yahay maalin iyo habeenba.

“Hamigaas runtii si fiican ayuu ku socdaa sababta oo ah waxaan bilawnay dhisme socda oo aan ku wadno kaabayaasha ugu muhiimsan, iyo waliba rakibitaanka nidaamka ilaalada kaamarooyinka oo meesha ka dhigaysa mid ammaan ah in habeenkii ganacsigu socdo,” ayuu yidhi.

“Wakhti uun baa inaga xiga ka hor inta ay caadinimadeedii ku soo noqonayso Eastleigh,” ayuu yidhi Kidero.

Isha: Sabahi Online