Ahlu-Sunn oo la hadleysa A/Madoobe

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Ahlu-Sunnada gobollada Koofureed ayaa xiligan isu diyaarinaysa sidii ay wada hadal ula gali lahayd maamulka ku meel gaarka ah ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Xoghayaha gaashaandhigga Ahlu-Sunnada Koofureed Sheekh Xuseen Isxaaq Mursal oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu horeynba ka hadlay Shirka iminka ka soconaya magaalada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Sheekh Xuseen ayaa sheegay in wada hadalada iminka ka soconaya magaalada Beled-Xaawo ay meel fiican marayaan islamarkaana la gaaray heshiisyo ay ka mid yihiin Xabad joojin, in Ciidamada la kala qaado, in ciddii ku xad gudubta heshiiskaas la ciqaabo iyo in Ciidamada laga qaado farumaha dagaalka kuwaasoo uu sheegay in ay tahay heshiis hor dhac ah.

Sheikh Xuseen ayaa sheegay in saxiixa heshiiskaas lala sugayo saraakiil ka tirsan ciidamada Dawladda oo la filayo in illaa iyo maanta ay soo gaaraan Gobolkaas.

Xoghayaha gaashaandhigga ahlu sunna ayaa sheegay dhinaca kale in ay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan maamulka Jubba iyadoo Ahlu-Sunna aysan marnaba oggolaanayn maamul qasab loogu keeno.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com