Daawo: Muxuu Sh. Maxamed Kenyawi kala kulmay dalalka Holland & Norwey?

Shiikh Maxamed Shiikh Ibrahim ” Kenyawi” oo baryahan socdaal diimeed ku marayey dalalka qaarada Yurub ayaa waxaa u markii ugu horeysay ka hadlay socdaalkiisa iyo ujeedada ka danbeysa.

Wariye Abdiweli Ibrahim Garyare oo ah agaasimaha shabakada K24 ahna agaasimaha xarunta Universal TV ee Holland ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya la yeeshay Shiikh Maxamed Kenyawi. Waxaana uu wareysigan oo xiiso badan uusoo jiitay dadweynaha taageera Shiikh Kenyawi ee ku nool dunida daafaheeda. Waxaana lagu wareystay magaalada The Hague ee wadanka Holland.

Shiikh Kenyawi waxaa uu si gaar ah wareysigan uga hadli doonaa qodobada soo socda:

1. Waxa uu yahay socdaalkiisa Yurub iyo sababta keentay inuu hadda yimaado?
2. Dalalka uu wada tegayo inta uu Yurub socdaalka ku marayo.
3. Waxa uu kala kulmay dalalka Norwey iyo Holland oo wareysigan looga qaaday.
4. Xiririka waalidka iyo caruurta ka dhexeeya iyo waajibaadka saaran ilamaha marka laga hadlayo xaqa HOOYADA.
5. Isticmaalka daroogada ama balwada noockasta oo Holland fasax ka ah iyo sida uu u arko dhallinyarada dal sidaasi ah ku nool.
6. Waqtiga oo laga faa’ideysto  intii la iska fadhin lahaa maqaaxiyaha.
7. Sida uu u arko Fanaanka Abdiqaadir Kaskaay oo fanka ka baxay iyo farriinta uu u dirayo fanaaniinta kale ee aan wali fanka ka bixin.
8. Xirirka Alle iyo ka dhexeeya ummadiisa iyo waajibaadka qofka saaran.
9 . Ugu danbeyntii magaalada The Hague oo ah xarunta maxkamada danbiyada dagaalka aduunka ee uu wareysigan ku bixiyey sida uu u arko!!

Qodobadaasi iyo kuwa kale oo xiiso leh ayuu wareysigan uu siiyey Wariye Abdiweli Garyare uga hadlayaa Shiikh Maxamed Ibrahim Kenyawi.

Dalalka uu socdaalkiisa ku wajahan yahay iyo kuwa uu maray waxaa ka mid ah : Norwey, Holland, Swedan, Finland, Switzerland iyo Denmark oo ah meesha uu kusoo afmeerayo socdaal diimeedkiisa Yurub, kadibna waxaa uu ku noqonayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar oo ah halka uu ku nool yahay Shiikh Kenyawi.

DAAWASHO WACAN :