Ganacsatada Muqdisho oo lagu bilaabay diiwaan-gelin iyo sababta ka dambeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa billaabay qorshe lagu diiwaan gelinayo ganacsatada, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Qaar kamid ah ganacsatada ayaa Caasimada Online u sheegay in diiwaan gelintu lagu billaabay ganacsatada yar yar waxaana la siinayaa aqoonsi iyadoo laga qaadayo lacag dhan $12.

“Ganacsade kasta waxaa laga rabaa lacag diiwan gelin ah oo dhan $12, sawir 2 xabo ah, iyo damiin kadibna waxaa la siinayaa aqoonsi iyadoo aad loola socon doono shaqooyinka ay qabtaan,” ayuu yiri ganacsade la hadlay Caasimada Online oo codsaday inaan la magacaabin.

Arrintaan ayaa loo arkaa ta;laabo wanaagsan oo wax looga qaban ammaanka magaalada Muqdisho, hase yeeshee waxaa barbar socda caqabado badan oo diidmo ah.

Dadka ayaa inta ugu badan diidan lacagta oo ay sheegeen in aysan awoodin, halka qaar kalane ay sheegeen in aysan heli karin damiin buuxa, balse si guud dhib kuma qabaan diiwaan-gelinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u diiwaan gelisay shaqaalaha dowladda iyo ciidanka qaranka, waxaana la aaminsan yahay in arrintaas ay waxbadan ka badashay ammaanka Muqdisho.

Qorshaha lagu diiwaan-gelinayo ganacsatada ayaa imanaya ayada qaar la tuhunsan yahay inay ku xiran yihiin Al-Shabaab, halka qaar kalena ay horey dowladda ugu xirtay inay la macaamileen kooxdaas.