Xog: Sababta ay A/Madoobe iyo Saciid Deni uga aamusan yihiin xiisada siyaasadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa maalmahan ka aamusan siyaasada cakiran ee Soomaaliya, iyo muranka ka dhashay guddiyada doorashada ee dowladda ay magacowday.

Labadaan Madaxweyne ayaa la sheegay in aysan wali soo magacaabin guddiyada doorashada ee heer dowlad gobaleed, waxaana sababta lagu sheegay in aysan ku qancin sida ay dowladda Soomaaliya wax u wado.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in labadaan mas’uul ay la dhacsan yihiin dhaq dhaqaaqa mucaaradka islamarkaana ay ku biiriyeen talooyin iyo aragti muhiim ah.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa kula heshiiyey mucaaradka inay dib u dhigaan soo magacaabista guddiyadooda heer gobol, islamarkaana marka ay mucaaradka soo saaraan go’aano kadib ay si rasmi ah u diidi doonaan inay guddiyo soo magacaabaan..

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegeyso in madaxda Puntland iyo Jubbaland ay hadli doonaan markii la soo gaba gabeeyo shirka Muqdisho waxeyna u badan tahay in ay taageeri doonaan natiijada shirka.

Dowladda Soomaaliya oo damacsan in ay howl geliso guddiyada doorashada oo ay doodaha badan ka taagan tahay ayaa la sheegay in kaliya ay u xayiran tahay dhameestirka guddiyada labadaan maamul ee Jubbaland iyo Puntland.

Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay ka codsaday madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay dib u eegis ku sameeyaan, oo ay soo bedelaan xubnaha ka tirsan shaqaalaha rayidka ah ee ku jira guddiyadii ay soo magacaabeen.