Ganacsatada Muqdisho qaarkood ‘oo la kulmay’ hanjabaad siyaasadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in loo hanjabay dhowr qof oo ka mid ah maal-qabeenada ka soo jeeda Beesha Hawiye, kuwaas oo ah ganacsato ka qeyb galay shirkii mucaaradka ku yeesheen hoteel Jaziira ee Muqdisho.

Qaar ka mid ah ganacsatada oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ka hor shirka laga soo wacay lagana dalbaday in aysan ka qeyb gelin shirka, waxeyna dadka soo wacay oo ka tirsan dowladda u sheegeen in laga qaadi doono tallaabo adag haddii ay tagaan.

Ganacsatada oo amarkaas diiday ayaa ka qeyb galay shirka inkastoo ay diideen in la duubo ama la sawiro. Maalmo kadib waxaa la soo wacay xubnihii shirka ka qeyb galay qaarkood waxaana loogu hanjabay in tallaabo laga qaadi doono.

Xubno kamid ah mas’uuliyiin hore oo dhanka amniga ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ganacsatada loogu hanjabay la beegsan doono, waxaana sababta loogu sheegay in ay maal geliyaan musharaxiinta.

“Mucaaradku lacag dibada kama soo gasho mana heestaan hanti balse waxaan xaqiijinay in ganacsato Hawiye oo aad ku jirtid maal geliyaan waxaase mari doontaan wado aan ka soo laabasho laheyn,” ayaa lagu yiri dhowr qof oo ka mid ah dadkii kulankaas tagay waxaana laga wacay taleefono aan la aqoon.

“Numberadu iyo dadkaba waa kala duwan yihiin balse hal qaab iyo hal fariin oo isku mid ah ayaa soo gaartay inta ugu badan,” ayuu yiri mas’uulka aan la hadalnay.

Ma cadda, haddii arrintan ay ahayd mid ku kooban hanjabaad iyo cabsi gelin, iyo inay tahay arrin dhab ah oo ay xigi doonto tallaabo, hase yeeshee ganacsatada qaar ayaa sheegay inay aad u walaacsan yihiin.