Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysnaa Hubka fudud ay dileen laba ruux oo Ganacsato ahaa.
Dilka Ganacsatadan ayaa ka dhacay degaanka Wareeg Kismaayo oo u dhexeeya magaalooyinka Kudhaa iyo Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.
Labada Ganacsato ee la dilay ayaa caan ka ahaa Gobolka Jubbada Hoose waxa ayna ka ganacsan jireen Dhuxusha la kala safriyo.
Ganacsatadan ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Aadan Cosoble iyo Moodhafiin, waxaana dilkooda loo adeegsaday AK47.
Meydka Ganacsatada ayaa la geeyay Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana shaki ku jira cida ka danbeysay dilkooda.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa Gobolka Jubbada Hoose kusii kordhaaya dilalka loo geysto dadka caanka ka ah Gobolka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

