Madaxweyne ku-xigeenka Puntland miyey duufsatay dabeyshii Muqdisho?

Laba todobaad ka hor ayey ahayd markii mid kamid ah Wasiirada Puntland xilkii laga qaadey kadib markii uu aragtidiisa ka dhiibtey sarkaalkii ONLF ka tirsanaa ee Dowladda Federaalka gacanta u gelisey Itoobiya.

Wasiir Gurxan oo xilkiisii ku waayey taageeridii dhiibistii Qalbi Dhagax!

Cabdiraxmaan Gurxan ayaa shaqadiisi ku waayey fikir uu dhiibtey isla markaana sheegay in uu yahay kan Puntland. Digreetada shaqada looga cayriyey waxaa soo saarey Madaxweyneku-xigeenka Puntland oo markaas ahaa ku-simaha Madaxweynaha, maadaama Dr. Cabdiweli Cali Gaas ku maqnaa gudashada waajibaadka xajka.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey oo Muqdisho safar ugu baxay maalintii shalay ee Talaadada, ayaa ka horyimid go’aankii Madaxweynaha Puntland uu ku soo dhaweeyey shirka Kismaayo ee uu ku baaqey Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Madaxweyne Gaas ayaa todobaadkii hore sheegay in uu shirkaas soo dhaweynaayo uuna yahay mid lagu wada tashanayo, laakiin waxaa shirkaas ku tilmaamey mid aan maslaxad Soomaaliyeed ku jirin ku-xigeenkiisa Eng. Camey oo markaas Muqdisho diyaarad u raacay, taas oo ka dhigeysa in si muuqata Camey uga hor yimaado Madaxweyne Gaas.

Dastuurka Puntland

Sida uu qabo Dastuurka Puntland siyaasadda dalka waxaa hoggaamiya Madaxweynaha, marka laga hadlaayo Xukuumad ahaana waxaa loo shaqeynayaa si wadar ah, iyada oo go’aanka la gaaro aan qofna mucaaradi karin ee ay u furan tahay in uu is-casilo isaga oo ka mudaaharaadaya haddii laga cod bato.

Dastuurka Puntland doorka Madaxweyne ku-xigeenka waxa uu ku soo koobay 6 qodob, kuwaas oo u badan in uu yahay la taliyaha Madaxweynaha iyo in uu qabto shaqooyinka Madaxweynuhu u igmadey, dalkana hoggaamin karo marka Madaxweynuhu gudan waayo xilkiisa sababo jira awgeed ama qaddartu u timaado oo uu geeriyoodo.

Haddaba waxaa la is weydinayaa sababta Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Camey xilka uga qaadey Wasiiru Dowalihii xiririka Gobolada Cabdiraxmaan Gurxan miyaaney la mid ahayn midda uu shalay sameeyey isagu ee uu uga horyimid Madaxweynihiisi? maxayse uga duwan tahay?

Dabeysha Muqdisho

Sida la wada og yahay waxaa socda dabayl ka timid dhanka Muqdisho taas oo waxyeelo ka geysatey gobolada dhexe, isla markaana abuurtey qalalaase siyaasadeed oo lagu mijixaabinaayo nidaamka federaalka, waxaana saameynta ugu ba’an ay dabaysha Muqdisho ku yeelatey Hirhsabelle iyo Galmudug oo ah laba maamul oo nugul, haykal maamulna aanu u dhismin, nidaam canshuur aan lahayn, dhulka ay sheegtaan intiisa badan gacanta ugu jirin, waxaana labada maamulba ay dhaqaale ahaan ku xirnaayeen Muqdisho. Xiisadda siyaasadeed ee ka aloosan Galmudug madaxda u saraysa Dowladda Federaalku weli kama hadlin, iyaga oo weliba lagu eedeeyey in ay iyagu ka danbeeyaan.

Waxaa jira warar sheegaya in qorshaha dabaysha Galmudug baabi’isay aysan halkaas ku ekaan ee ay u gudbi karto Puntland, halka Somaliland la isku dayayo in la farogeliyo doorashada bisha Nofeembar si qalalaase siyaasadeed looga abuuro.

Xubno sar-sare oo ka tirsan Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii danbe xiriir la sameeyey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camey, sidoo kale waxay xiriir dhaw la sameeyeen afhayeenka Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo warar sheegayaan in uu Madaxweyne Farmaajo kala hadley arrinta xiisadda Khaliijka iyo mawqifka Puntland.

Muqdisho, Puntland & Imaaraatiga

Dowladda federaalka ayaa ka hor istaagtey safiirka dalka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Cusmaan in uu safar ku tago maalintii Axadda ee ku beegneyd 01 Oktoobar magaalada Bosaso oo ay ka dhici lahayd munaasabadda furitaanka mashruuca dekadda Bosaso, wararku waxay sheegayaan in Dowladda Federaalku ay safiirka u sheegtey in heshiiska DPWorld ay ka soo horjeedaan shacabka Puntland iyo Xildhibaanada Puntland ee Dowladda Federaalka ku jira ee labada aqal. Maxamed Cusmaan safiirka Imaaraatka ayaa la sheegayaa in uu hadda tegayo dalka Imaaraadka Carabta si uu diyaarad toos ah ugu tago Boosaaso.

Xiisadan ayaa laga yaabaa inay saameyn ku yeelato safaradii la filayey inay Puntland ku yimaadaan Madaxda Federaalka Madaxweynaha ama Raysalwasaaraha oo aan weli booqan Puntland tan iyo intii ay xilka qabteen.

Xiriirka Maamulada iyo Dowlada Federaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay ahayd in ay adkeyso Dowladaha xubnaha ka ah, kuwo taagta daran ee curdanka ahna u turto ayaa hadda ciyaareysa siyaasad burburin ku dhisan taas oo la dhihi karo dab ayey ku ciyaareysaa, waxaana ka khaladan taariikhda siyaasiyiinta Villa Somalia fadhiya ee Puntland u yaqaana in ay tahay Kurdistaantii Soomaaliya.

Puntland waxay ku taagan tahay shacab bislaadey 19 sano ku soo caano maaley maamulkooda yar, dhamaan hay’adihii dastuuriga ahaa u dhisan yahay, dhaqaale ahaan aan Dowladda federaalka waxba ka helin oo ay uga maqan tahay Malaayiin Dollaar oo ay ku dhistey asaaskii Dowladda federaalka 2004-2009, haddaba miyey suurta gal ka tahay waxa ka dhacay Galmudug iyo Hirhsballe, si fudud waxaa loo oran karaa siyaasiyiinta ku cusub siyaasadda ee Villa Somalia fadhiya dharaar cad ayey riyoodeen.

In badan oo kamid ah shacabka Puntland ayaa aaminsan in Madaxweynaha Puntland uu hoos u dhigey maqaamkii Puntland ay ku lahayd siyaasadda Soomaaliya, oo uu indhaha ka laabtey hagardaamooyinka loo maleegayo, waxaa la is weydiinayaa xiligii Dr Cabdiweli Cali Gaas uu qaadan lahaa doorkii hoggaamineed ee ay Puntland lahayd.

Shirka Kismaayo

Shirka Kismaayo ee uu ku baaqay Madaxweynaha Jubbaland ee wadatashiga ah wuxuu ahaa kaalin ay dhumisay dowlada Federaalka oo markii horeba laga rabay inay iyadu maamulada xubnaha ka ah Federaalka u yeerto, waxaase nasiib xumo ah in Dowladii Federaalka ayba dhibsato in kaalintaasi ay baneysay uu buuxiyo Axmed Madoobe oo isagu illaa iyo hada isku dayey inuu kaalin dhex dhexaadnimo ka qaato arrinta xiisada Khaliijka ee isku khilaafeen Dowlada Federaalka iyo maamulada Puntland, Galmudug & Koonfur Galbeed. Diidamada Muqdisho ee shirka Kismaayo ayaa ah mid sii fogeyn kara Jubbaland isla markaana markale muujineysa jahwareerka Villa Soomaliya heysta tan iyo waji-gabxii ka dhashay xiisadii Qalbi Dhagax.

W/Q: Maxamed Cismaan, HM

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid