Sawirro: Madaxweyne Farmaajo & Wafdi uu hogaaminaayey oo samatagay magaalada Khartoum

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Khartoum ee dalka Sudan gaaray Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayey.

Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Khartoum ee dalka Sudan kusoo dhaweeyay madaxweynaha Sudan Cumar Albashiir, Safaarada Soomaalida, Saraakiil Ciidan iyo qaar kamid ah Soomaalida ku dhaqan dalkaasi.

Booqashada wafdiga uu horkacayo Madaxweyne Farmaajo ayaa la xiriirta sidii loo adkeyn lahaa xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa caawa kulankooda ugu horeeya yeelan doona iyadoo kulankaasina ay ka qeyb noqonayaan wasiiro ka kala socda labada dal.

Madaxweynayaasha Somalia iyo Sudan ayaa ka wada hadlaaya arrimo ay kamid yihiin dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, Amaanka iyo dhinaca diblumaasiyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu joogo dalka Sudan la kulmi doona Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalkaasi.