Ganacsato shaacisay magacyada xubno siyaasiyiin ah ‘oo loo xiray’ qaadka Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Daladda Miiraa ee ganacsatada qaadka Kenya oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay Qaadka ka imaanaya Kenya u xirtay shakhsiyaad gaar ah, kuwaas oo magacyadooda ay carrabka ku dhufteen.

Gudoomiyaha guddiga ganacsatada ku bahowday ‘Daladda Qaadka Miiraa’ Qooje Maxamed ayaa yiri, “Waxaan ka cabanaynaa dad loo xiray qaadka Soomaaliya oo na hor boodaaya, kuwaas oo sheeganaya in ay dowladda naga xigaan, madaxweynaha aan jecelnahay waan u cabaneynaa, naga qabo dadkaas hororka ah.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ragga ay ka cabanayaan ay doonayaan lacag dul saar ah, “Waxay na leeyihiin hadii lacag dul saar ah aanaan qaadan ma shaqeysaneysaan, ragaas waxaa ugu horeeya nin Cadnaan la yiraahdo, Liibaan Shuluq iyo qaar kaloo badan, waxaan dowladeena ka rabnaa inay dadkaas naga qabato,” ayuu yiri guddoomiye Qooje.

Gudoomiye ku xigeenka Dallada, Xasan Cabdi Maxamed oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in siyaasiyiin iyo xildhibaano dowladda ka tirsan ay ku milmeen arrimaha qaadka, “iyagoo ka shaqeynaya in kiiladii ay $5 saartaan, wax la qaada karana maaha,” ayuu yiri.

Gudoomiye ku xigeenka Dalladaan ay ku mideysan yihiin ganacsatada qaadka ka keensata Kenya ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan u cabaneynaa Madaxweynaha, waxaana ka cabaneynaa nin la yiraahdo Cadnaan oo na leh Madaxweynaha ayaa jeebkeyga ku jira hadaa qaadkaan ka ganacsaneysaan waa qasab inaad amarkeyga qaadataan.”

Sidoo kale Xasan Cabdi Maxamed wuxuu sheegay in ragga masuuliyiinta ah ee Qaadka Soomaaliya uga imaanaya Kenya lacagta ku soo rogay ay ka mid yihiin sii-hayaha xilka wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur.

Ganacsatadaan ayaa madaxweynaha ka codsatay inuu deg deg u soo faro geliyo arrintaan oo cabashadooda uu wax ka qabto, sidoo kale waxay sheegeen in ra’iisul wasaaraha ay u gudbiyeen cabashadooda, isla markaana ay ka rijeynayaan jawaab wanaagsan.

“Balantii naloo qabtay waxay aheed inta xukuumadda laga soo dhisaayo, balse intaan xukuumad lasoo dhisin waxaa soo baxay boob, sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka waan gaarsiinay, waxaan rajeyneynaa in cabashadeena wax laga qabto,” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Dallada Miiraa Xasan Cabdi Maxamed.