Ganacsato sheegay in lacag badan ay uga maqan tahay shirarkii Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah ganacsatadda magaalada Dhuusamareeb ayaa ka cabanaya inaan weli la siin lacagta adeegyo looga qaaday shirkii maamulka Galmudug uu ku qaabtay magaalada ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Ganacsatada iyo dowlad goboleedka Galmudug oo iskaashanaya ayaa si maamuus sare leh u marti sooray madaxdii iyo marti sharafkii kala duwanaa ee 11-kii iyo 22-kii bishii July 2020 ka qeyb galay labadii shir ee Dhuusamareeb 1 iyo Dhuusamareeb 2.

Balse ganacsatadi lafdhabarka u ahaa qabashada shirkaasi ayaa walaac kamuujiyay

Inaan weli la fulin balanqaad uu sameeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ahaa in qasnadda dowlad goboleedka Galmudug laga bixin doono dhamaan qarashaadkii ku baxay martiqaadka iyo soo dhaweynta martida, marka uu shirka dhamaado.

Lacagta ganacsatada ay sheegeen inay ka maqan tahay ayaa looga qaaday waxyaabo ay ka mid yihiin raashinkii iyo adeegyadii kale ee ku baxay shirka, kuwaas oo laga deemiyey balse la sheegay in dib loo siin doono.

Sida ay sheegeen, Madaxweyne Qoor Qoor ayaa xilli la filayey inuu bixiyo qarashaadkaasi deymaha ahaa waxa uu safar ku aaday magaalada Muqdisho, kadibna uga sii gudbay Istanbul.

Waxa ay sidoo kale madaxweynaha ku eedeeyeen inaanu ka jawabin xiriiro badan oo lagala sameeyay arrintaasi.

Ganacsatada ayaa sidoo kale walaac kamuujiyay in Madaxweyne Qoor Qoor uu xitaa uu awoodi waayey inuu bixiyo lacagihii maalinlaha ahaa ee ay ku shaqeynayeen gabdho uu maamulka caasimadda Dhuusomareeb soo aruuriyey oo adeeg isugu jira cunto karin iyo nadaafad u sameynayey martida.

Caasimada Online oo xiriir la sameysay madaxtooyada Galmudug, waa ay diiday inay jawaab ka bixiso arrintan.