Xog: MUUSE BIIXI ‘oo ku gacan seyray’ dalab ay usoo bandhigeen wafdigi Shiinaha

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii u dambeeyay ka war-wareegayay inuu la kulmo wafdi kala duwan oo ka socda dowladda Shiinaha, ayaa maanta ugu dambeyntii qaabilay, kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Hargeysa.

Xog ay helayso Caasimada Online ayaa sheegaysa in wafdiga Shiinaha ka socda ay madaxtooyada Somaliland u gudbiyeen dalab ku saabsanaa xiriir u jarida Taiwan, oo uu hore u dhex-maray heshiis rasmi ah.

Muuse Biixi ayaa gebi ahaanba ku gacan seyray dalabka ay u gudbiyeen Mas’uuliyiinta Shiinaha ee uu maanta la kulmay, sida ay saraakiil ka tirsan madaxtooyada Somaliland u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Diidmada Biixi ee dalabkaasi ayaa waxa si weyn uga carooday Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian oo isagu Hargeysa u joogey wiiqista heshiiska Taiwan ay la saxiixatay Somaliland.

Qin Jian oo maalmihii u dambeeyay dowladiisa Shiinaha ku qasbayey inay dabacsanaan badan u muujiso xukuumadda Somaliland ayaa si dhab ah loo ogeyn waxa uu kaga fal-celin doono go’aanka Muuse Biixi.

Jian ayaa la fahamsan yahay inuu door weyn ka ciyaaray keenista wafdi heer sarre ah oo ka socda dowladdiisa, kuwaasi oo maanta si wada-jir ah Muuse Biixi ugula kulmeen madaxtooyada, hase yeeshe aan si cad loogu xusin magaciisa war kasoo baxay qasriga Somaliland

Xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Biixi ayaa weli ku madax adeygaysa xoojinta xiriirka cusub ee Taiwan, iyada oo labada dhinac ay si rasmi ah isku weydaarsadeen wakiilo.

Xiriirkaasi ayaa horey waxa si adag uga biyo-diiday Shiinaha, oo isagu sheegta in Taiwan tahay jaziirad ka tirsan dhul-weynihiisa, halka iyaduna ku doodeyso taasi badalkeeda.