Mohamed Bin Salmaan oo dacwad xasaasi ah looga furay maxkamad Mareykan

Washington, D.C. (Caasimdaa Online) – Dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga, Mohammad Bin-Salman Al Sa’ud ayaa dhawaan wajihi doona dacwad xasaasi ah, taasi oo si rasmi ah loogu gudbiyay maxkmada District of Columbia ee magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Bin Salmaan ayaa lagu eedeynaya inuu qorsheynayey dilka mid kamid ah sarkaashii hore uga tirsanaa sirdoonka Sacuudiga, isla markaana uu koox calooshod u shaqeystayaal ah u kireystay.

Saad Al-jabri oo ah shaqsiga dacwadda ka gudbinaya Bin-Salmaan ayaa ah sarkaal horey uga tirsanaa sirdoonka dalka Sacuudiga oo hadda ku nool dalka Canada.

Al-Jabri ayaa sheegay in Bin-Salmaan uu koox gaar ah usoo diray dalka uu ku noolyahay si ay u khaarajiyaan, maadama uu hayo xogo sir ah oo ku saabsan ganacsiga Maxamed Bin-Salmaan, sida uu sheegay.

Saad Al-jabri ayaa gal dacwadeedka uu u gudbiyay maxkamadda ku xusay in dowladda Sacuudigu ay isku dayday inay ugu cago-jugleyso dhiibistiisa labo kamid ah caruurtiisa, kuwaasi oo la xiray bishii March.

Dacwada Sarkaalkan hore ayaa waxa gacan ka geysanaya mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Mareykanka, kuwaasi oo garab istaag weyn u muujiyey 39-jirkan baxsadka ka ah Sacuudiga.

Saad Al-jabri ayaa sanadkii 2017-kii kasoo firxaday dalka Sacuudiga kadib markii ay si weyn isku qabteen Dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga.

Maxamed Bin-Salmaan ayaa muddooyinkii dambe waxa dul hooganayey eedeymo la xiriira qorshayaal dil iyo musuq-maasuq, kuwaasi oo marba marka kasii dambeysa god mugdiya kusii rideyay sumcadiisa aduunka.