Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow oo shaaciyay ‘halka uu salka ku hayo’ khilaafka dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr Cabdiraxmaan C/laahi Baadiyow ayaa markii u horeysay ka hadlay xaalada cakiran ee siyaasada Soomaaliya, xili ay madaxdii ugu sareyso dalku ku kala tageen khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay.

Dr C/raxmaan Baadiyow ayaa sheegay in khilaafka siyaasigii uu yahay wax soo noq-noqday, kaasi oo hadda si weyn uga dhex taagan dowladda federaalka, oo ra’iisal wasaaraheedii daaqada looga saaray khilaaf la xiriira doorashooyinka.

Wuxuuna si cad u sheegay in khilaafaadkaasi ay salka ku hayaan rabitaano shaqsi ah oo dalka u horseedi kara jahwareer siyaasadeed oo cusub.

Sidoo kale waxa uu xusay in khilaafka siyaasigii uu ku qotomo wax uu ugu yeeray ‘faham-xumada dowladda federaal oo dimuquraadi ah’, oo madaxda dalka ka hor istaagi laheyd inay fuliyaan rabitaanadooda shaqsiga ah.

Dr Baadiyow ayaa waxa kale oo khilaafadka soo noq-noqday ku sheegay mid ay qeyb ka tahay jiritaan la’aanta maxkamad dastuuri ah oo soo saari karta go’aan lagu kalsoonaan karo oo madax-banaan.

“Khilaafka siyaasadda ee hadda taagan salkiisu waa faham-xumada dowlad federaal ah oo dimoqaraadi ah. Waa federaal oo awoodu waa qeybsan tahay, oo ruuxna sida uu rabo ma sameyn karo” ayuu ku yiri Dr Baadiyow qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook.

Wuxuuna intaas sii raaciyay “Si loo xaliyo khilaafka waxaa maqan maxkamadda dastuuriga oo go’aankeeda lagu kalsoonaan lahaa. Sidaas darteed ma hureyso in madaxdu gasho heshiis wadar-ogol ah si looga bad-baadiyo dalka jahwareer siyaasadeed cusub”.

Hadalka Baadiyow ayaa kusoo aadaya xili uu dalka ka jiro khilaaf siyaasadeed xoogan, isla markaana laga cabsi qabo in gebi ahaanba lagu kala kaco shirka Dhuusamareeb-3 oo madaxda dowladda federaalka iyo maamulada uga arrinsanayeen nooca doorasho ee dalka.