Ganacsato Soomaali ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay Koonfur Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay muwaadiniin Soomaaliyeed dil iyo dhaawac loogu geystay meelo kala duwan oo ka tirsan dalkaasi, kadib markii ay weerareen kooxo burcad ah.

Weerarka koowaad oo ka dhacay magaalada East london ee Gobolka Eastern Cape ayaa waxaa lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Daahir Carte.

Marxuumka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay goobtiisa shaqo ku weerareen kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in muwaadin kale oo Soomaaliyeed lagu dhaawacay deegaanka Devitown oo hoostaga magaalada caasimada ah ee Johannesburg.

Ruuxa la dhaawacay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay, Cumar Axmed Dhiblaawe, iyadoona ay sidoo kale baxsadeen raggii ka dambeeyey dhaawacaasi.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ciidamada Booliska ay tageen goobaha ay ka dhaceen falalkaasi, islamarkaana ay sameeyeen baariraano dheeraad ah.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa si aad ah u soo badanayey weerarada Soomaalida loogu geysto gudaha dalka Koonfur Afrika, iyadoona aysan jirin illaa iyo hadda wax laga qabtay dhibaatooyinka iyo tacadiya kale ee loo geysto ganacsatadaasi.