Ganacsi faa’iido badan oo ka socda xarunta Xalane

Waxaa Dhawaan soo qorey Hilib arri oo laga keeney Australia oo ay keenaan UN iyo AMISOM kaasoo la soo geliyaa Suuqyada magaalada Muqdisho isagoo Ganacsi ah.

Waxaa Xuuraansi ku hayey Ganacsiga ka socda Deegaanka Xalane waxaana arrimahaan wax ka weydiiyey Dad badan waxay ii sheegeen in Badeecooyin badan iyagoo Konteenaro ku jira Dekedda laga soo saaro waxaana la yaab leh in aan Konteenaradaas aan la baarin isla markaana aan laga qaadin wax canshuur ah.

Ganacsato Soomaaliyeed ayaa Dibada ka keeni jirey Hilibka Digaaga haatan ogow in Hilibkaas ay keenaan Shirkado Shisheeye oo Degen Xalane kuwaa ka iibiya Bulshada Soomaaliyeed waliba si aad ah uga Faaiidaan maadaama aan laga qaadin wax Cashuur ah iyadoo Xalane lagu soo geliyo Magaga UN ka iyo AMISOM, wuxuuna Ganacsiga faaiidada badan suuqa ka saareen Shirkado Soomaaliyeed oo Hilibka Digaaga keeni jirey.

Sidoo kale waxaa Xalane ku yaal Hotel kuwaa Suuq Xumo ku ridey Ganacsatadii Hotelada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa Xalane lagu rakibey Washado sameeya Biyaha Nadiifka Water-ka iyagana Canshuur lagama qaado.

Waxay Dadkaas ii sheegeen in Waxaas oo Badeeco ah ee laga soo dejiyo Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha waxaana Ganacsiga dadban ee ka socda Xalane uu u muuqdaa Mid Cuuryaamiyey Ganacsatada Soomaaliyeed.

Waxay ii sheegeen in Wasaarada Maaliyada looga Dacwoodey si ay u baarraan konteenarad ay keenaan UN iyo AMISOM taasoo Wasaarada maaliyada wax ka qaban weysey.

Sidaa Darteed waxay sheegeen in Wasaaradda ay u xoog weyn tahay Ganacsatada ee haatan ay ku socdaan Cunaqabateyn Dadban, iyagoo sheegey in haddii aan wax laga qaban Ganacsiga Cabshuur la’aanta ee Faaiidada badan ee ka socda Xalane aysan bixin doonin wax Canshuur.

Sawirka waa Hilibka Ari ee laga keeno Dalka Australia oo lagu iibiyo Suuqyada Muqdisho kaasoo Mustaqbal Cuuryaamin doono Ganacsiga Xoolaheena.Digaaga,Hotelada iyo Badeecooyinka kale.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro