Xoghayaha guud ee QM oo maanta wakiil cusub usoo magacaabay Soomaaliya

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee QM, Antonio Guterras ayaa James Christopher Swan oo u dhashay dalka Mareykanka u magacaabay inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya.

James Swan ayaa horey u ahaa safiirka Mareykanka u qaabilsan Jabuuti, wuxuuna beddelayaa Nicholas Haysom oo horey ay usoo cayrisay dowladda Soomaaliya.

Swan ayaa noqon doona qofkii labaad oo Mareykan ah oo noqday ergeyga QM ee Soomaaliya kadib Jonathan Howe oo xilkas hayey 1993-1994.

Xiriirka QM iyo dowladda Soomaaliya ayaa xumaa tan iyo markii dowladda ay cayrisay Haysom oo ay ku eedeysay inuu faro-geliyey arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxaana la filayaa in magacaabistan ay taas wax ka beddesho.

Xaqiiqda ah in Swan uu dhashay dalka Mareykanka ayaa sidoo kale la filayaa inay isku soo dhoweyso QM iyo Soomaaliya, maadaama dowladda federaalka ay xiriir wanaagsan la leedahay dowladda Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com