Xog: Magacaabista James Swan oo qeyb ka ah qorshe looga hortagayo in DF ay mar kale adeegsato PNG

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee QM, Antonio Guterras ayaa James Christopher Swan oo u dhashay dalka Mareykanka u magacaabay inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in sababta loo xushay Swan oo nin Mareykan ah ay qeyb ka tahay in laga hor-tago in dowladda Soomaaliya ay mar kale si fudud ku cayriso wakiilka QM.

Ilo-wareedyada ayaa sheegaya in xogahayaha guud ee QM uu doonayey inuu magacaabo qof khibrad u leh arrimaha gobolka, islamarkaana kasoo jeeda mid ka mid shanta dal ee xubnaha joogtada ka ah golaha ammaanka ee QM, si looga hortago in mar kale wakiilkiisa la siiyo PNG (persona non grata) ama qof aan dalka laga rabin.

Swan oo Mareykan ah ayaa buuxinaya dhammaan dalabyadaas, taasina waa sababta ugu weyn ee loo doortay, sida ay wararka sheegayaan.

Xoghayaha guud ee QM ayaa la sheegay inuu rumeysan yahay in dowladda Soomaaliya aysan ku dhiiri karin inay PNG siiso shaqsi Mareykan ah si ka duwan Nicholas Haysom oo kasoo jeeday dalka South Africa oo ay horey u cayrisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com