Kenya oo qaaday tallaabo ay uga hor-tageyso qorshaha DF ee ka dhanka ah Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qaaday tallaabo ay uga hortageyso go’aanka dowladda Soomaaliya ay shaqaalaheeda uga mamnuucday inay ka qeyb galaan shirarka ka dhacaya magaalada Nairobi kadib markii Kenya ay Visa-ha u diiday mas’uuliyiinta Soomaaliya oo garoonka ka qaadan jiray.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya in wixii shir ah oo quseeya Soomaaliya ay ku qabtaan gudaha dalka ama dalal kale ee gobolka, ama aysan ka qeyb-geli doonin.

Ayada oo taas ka jawaabeyso, ayaa dowladda Kenya waxay warqad u qortay 144-ka dal ee safaaradaha ku leh magaalada Nairobi, taas oo ay uga horjeedo go’aanka dowladda Soomaaliya ay shirarka caalamiga ah uga weecineyso Nairobi.

Kenya ayaa sheegtay inay soo dhoweeneyso mas’uuliyiinta Soomaaliya ee imanaya Nairobi balse ay lagama maarmaan tahay inay helaan Visa si la mid ah ajaaniibta kale.

Dowladda Kenya waxay sheegtay inay tahay go’aan u yaalla Soomaaliya inay ak qeyb gasho shirarka Nairobi iyo in kale, balse ay kasoo horjeedo in shirarkaas la weeciyo.

Dalalka daneeya Soomaaliya ayey hadda u taalla inay ayaga go’aan qaataan, waxaase adkaan doonto inay qbataan shir quseeya Soomaaliya oo ka dhaca Nairobi, haddii ay diido dowladda Soomaaliya inay ka qeyb gasho.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com