Waddan soo saaray tareen aad uga xawaare dheereya diyaaradaha oo shirkadaha duulimaadka cabsi galiyay

Beijing (Caasimada Online) ― Shirkadda taareennada ee dalka Shiinaha ayaa khamiistii toddobaadkii hore daaha ka rogtay muunadda tareen birlab ah oo xawaarihiisu aad u sarreeyo.

Tareenkan oo ay shirkaddu u bixisay Maglev ayaa ay khubaradu sheegayaan in uu marar badan ka xawaare dheerayn doona diyaaradda.

Ding Sansan oo ah Ku xigeenka madaxa farsamayaqaannada shirkadda CRRC Sifang ee tareenkan cusub dhisaysa ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay, in tareenkani uu tijaabadii u horreysayba ka gudbay. Sidaa awgeed hadda kaddib ay ka shaqaynayaan hawl-gelintiisa.

Ding Sansan waxa uu sheegay in hadda ay shirkaddu ku hawlantahay dhismaha xarun ganacsi oo soo saarta tareennada xawaarahoodu aadka u sarreeyo oo loo yaqaanno Maglev. Isaga oo intaas ku daray in ay ku rajo weyn yihiin in ay ka shaqaysiiyaan inta lagu gudo jiro lixda bilood ee sannadkan u dambaysay.

Tareenkani ma’aha mid sida tareennada caadiga ah ku soconaya xadiidka dhabbaha tareenka, balse waxa uu leeyahay xadiid birlab ah oo uu ku fadhiyo, kaas oo uu ku dul soconayo.

Khubaradu waxa ay sheegeen in xawaaraha tareenka cusub loogu talagalay uu gaadhayo 600 kiiloomitir saacaddii, taas oo aad u fududaynaysa isu socodka, lagana yaabo in dad badadni ay kaga maarmaan safarrada diyaaradda ah.

Ding Sansan waxa uu socdaal tijaabo ah tareenkan ugu kala safray magaaladooyinka Beijing oo caasimadda ah iyo Shanghai.

Isaga oo ka warramaya xawaaraha uu arkayna waxa uu sheegay in caadi ahaan diyaaraduhu ay labadan magaalo u kala socdaan Afar saac iyo badh oo lagu daray waqtiga qofka lagu soo xareeyo garoonka diyaaradaha ee uu garoonka hawlihiisa ka dhammaysanayo ama sugayo.

Halka tareenkan dheereeya ee hore u jirayna uu safarkani ku qaadan jiray qiyaas ah shan saacadood iyo badh. Laakiin tareenka cusub ee hadda uu Shiinuhu sameeyey ayaa labada magaalo u kala socon kara Saddex saacadood iyo badh keliya.

Taas oo macnaheedu yahay in uu ka dheeraynayo diyaaradda. Waxa aanu abuurayaa xiise ah in dad badani ay iskaga safraan tareenka.

Arrintaas oo aanay ku farxi doonin shirkadaha duulimaadyada oo sababaha loogu xisho qiimaha tigidhadooda ee qaaliga ahi ay tahay xawaaraha iyo in ay u safri karaan meelo aanu gaadiidka dhulku ku safri Karin.

GSK