Garabka Barre oo wax laga xumaaday ku qeexay arrinta uu sameeyey Xasan

Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha nabadda iyo midnimada ee Jubbooyinka oo uu hoggaamiyo Barre Aadan Shire ayaa eedeen u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya oo maalintii shaley furay shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo ka socda magaalada Kismaayo.

Cabdi Shire oo xubin ka ah guddigaas ayaa warbaahinta u sheegay in marka loo eego shirka Kismaayo ka socda ay ku kala aragti duwan yihiin madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha isagoona intaas ku daray in madaxweynaha wuxuu shaley sameeyay ay ahayd wax aad looga xumaado.

Wuxuu kaloo sheegay in ka hor inta uusan furmin shirka in ay tageen xafiiska ra’iisal wasaaraha oo ay ku dhaheen ma shirbaa furmaya 16-ka bishan waxaa naloogu jawaabay ayuu yiri waxbo ma maqlin.

Wuxuu sheegay in wasiiradda arrimaha gudaha, garsoorka iyo maaliyadda, Cabdullaahi Goodax Barre, Xuseen Cabdi Xalane iyo Faarax Sheekh Cabduqaadir ay arrinta iyaga wateen oo aaney la socod siin ra’iisal wasaaraha.

Wuxuu tilmaamay in arrinta madaxweynaha uun loo sheegay, waa dhib weyn oo qaranka Soomaaliya soo wajahay ayuu yiri.

Ugu dambeen wuxuu cod dheer ku sheegay in qaadaceen ka qeybgalka shirka ka furmay Kismaayo balse wuxuu hoosta ka xariiqay in ay doonayaan nabad ka dhalata Soomaaliya.

Hadalka Cabdi Shire oo ka mid ah garabka Barre Hiiraale ayaa ku soo aadaya iyadoo magaalada Kismaayo uu maalintii 2-aad ka socdo shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo uu furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxammuud.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com