Cabdiweli oo si rasmi ah uga hadlay khilaafka isaga iyo Xasan laga sheegay

Britain (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Somalia C/wali Sheekh Axmed Maxamed oo arrimo shaqo u jooga Dalka Britain, ayaa daboolka ka qaaday Arrimo la xiriira Khilaafka la sheegay inuu kala dhexeeyo Madaxweyne Xassan.

C/wali Sheekh Axmed Maxamed oo ka hadlaayay arintaasi ayaa sheegay inay tahay mid been abuur ah oo aan sal iyo baar ku laheyn Siyaasada dhabta ah ee ka taagan Madaxtooyada iyo xafiisyada labada Mas’uul.

Waxa uu sheegay inuu si adag u beeninaayo warar lagu qoray baraha Website-yada, kaasi oo ahaa inuu khilaaf ka dhex tagan yahay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’isul wasaaraha ayaa hadalkaani sheegay xili uu ka hadlaayay kulan uu la qaatay Jaliyada Soomaalida ee dalka Britain, waxa uuna tilmaamay in wararka noocaasi ah ay yihiin kuwa been abuur ah oo ay baahiyeen websiteyada.

Sidoo kale, R/w C/wali Sheekh oo hadalkiisa sii watay ayaa waxa uu sheegay in xiligaani la joogo uu  hanaanka Dowladnimo dalka Soomaaliya yahay mid si wanaagsan u socda, Shacabka Soomaaliyeed ee dibada ku sugana ay iska daayaan aqrinta wararka lagu qoro Websiteyada Been abuurka ah.

Dhanka kale, waxa uu Carabka ku dhuftay in xili waliba ay suuragal tahay inay dhacaan Siyaasado keeni kara kala feker duwanaansho, maadaama dadka aysan isku maan aheyn, balse ay muhiim tahay hadafka mar waliba laga wada duulaayo uu yahay muujinta wanaaga dalka iyo dadka.

Caasimada Online

Xafiiska Britain

Caasimada@live.com