Col. Barre Hiiraale: Shirka Kismaayo ka socda waxaan ku diidanahay hal arrin

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha nabadda iyo midnimada Jubbooyinka, Barre Aadan Shire ayaa faah-faahiyay sababta uu ku qaadacay shirka dib u heshiisiinta ee Jubbooyinka oo maalintii labaad ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda VOA-da ayuu sheegay in shirka ka furmay Kismaayo uusan ahayn kii loo sheegay in uu ka qeybgalaayo, wuxuuna sababta ku sheegay in lagu wargaliyay shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka 1-da bisha October.

Barre Hiiraale waxa uu tilmaamay in guddiga wasiiradda ee loo xil saaray qabashada shirkan ay ku wargaliyeen isaga iyo golaha uu madaxda yahay billowga bisha soo socota isagoona intaas ku daray in maalin iyadoo uu ka dhimman yahay shirka maanta ka furan yahay loogu yeeray madaxtooyada oo madaxweynaha uu ku yiri waxaan rabnaa in aad tagto Kismaayo oo aad ka qeybgasho shirka.

Wuxuu u sheegay madaxweynaha in shirka furmay uusan ahayn kii lagu ballamay isla markaana uusan ahayn shir ay garwadeen ka tahay dowladda oo waxaa wata ayuu yiri maamulka Axmed Madoobe.

Barre Hiiraale ayaa la weydiiyay mar haddiiba uu oggolaaday in uu qaato nabadda wax yaabaha uu ku diiddan yahay shirka ka furmay Kismaayo, wuxuu tilmaamay in shirka Kismaayo uu yahay mid gaar u ah maamulka Axmed Madoobe iyagana dhaqaalaha iyo ergada ka qeybgaleysa ay soo xuleen.

Mar uu ka hadlaayay shirka uu doonayo in uu ka qeybgalo, wuxuu tilmamaay in ay rabeen isaga iyo maamulkiisa shir ay garwadeen ka tahay dowladda oo dhaqaalaha iyo soo xulista ergada ay lee dahay si caddaalad ahna loo maamulo shirka.

Wasiirkii hore ee gaashandhigga Soomaaliya, ayaa ku celceliyay in ay diyaar u yihiin ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta balse dadka taageerada u ah ee ku sugan, Gedo, Kismaayo, Muqdisho iyo waddamada qurbaha lagu wargaliyay in la qabanaayo shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka 1-da bisha October ka horse iyagu ay yeeshaan shirar iyo kulamo ay uga hadlayaan wax yaabaha la tagi lahaayeen shirka Kismaayo.

Ugu dambeen, Barre Hiiraale ayaa sheegay in dowladda ay ka sugayaan bal in markooda ay shir u qabato si la mid ah kan maanta ka dhacay Kismaayo oo uu ku tilmaamay mid loo qabtay maamulka Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com