Garabka Barre HIIRAALE oo taageeray qorshaha Amisom ee KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Barre Hiiraale oo weli sheegta madaxweynenimada Jubaland, ayaa soo dhoweeyey qorshaha Amisom ay ka damacsan tahay magaalada Kismaayo.

C/rashiid Macali gaas oo ah Afhayeenka Garabka Barre Aadan Shire Hiraale oo Wareysi siiyay Idacada Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay aad usoo dhaweynayaan badalka lagu sameynaayo ciidanka Amisom ee jooga Kismaayo.

Afhayeenku waxa uu sheegay in ciidanka Kenya ay yihiin kuwa aan ku dhaqmin amarka AMISOM, laakin ay yihiin kuwa fuliya amarada maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe, oo ayaga ay meesha keensadeen.

Ciidanka Jabuuti ayaa ee la sheegay in loo soo badali doono magaaladaas ayuu sheegay in ayihiin dad walaalo la ah Somalia kuna hadlaya Af-Somali islamarkaana ay ku raja weyn yihiin in ay wax uu ka qaban donaan xaalado uu amni daro ku tilmaamay oo kismaayo taagan.

Dhawaan ayaa war kasoo baxay Sarkaal kamida AMISOM waxa lagu sheegay in ciidanka Kenya ee jooga Kismaayo lagu badali doono Ciidamo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com