Qarax kale oo ka dhacay Hargeysa

Qarax kale ayaa fiidnamdii hore ee caawa mar kale ka dhacay xarunta maamulka Somaliland ee Hargeysa. Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay wasaaradda caddaaladda ee Somaliland horteeda, waxaana Wasaaraddu ku dhawdahay Madaxtooyada.

Qaraxn waxaa ku dhaawacmey hal qof oo goobta ka dhawaa, ninka ku dhaawacmey ayaa la sheegayaa in uu kamid ahaa laanta xeer ilaalinta Somaliland.

Ciidamo badan ayaa goobta soo buuxdhaafiyey waxaana la xirey dhamaan jidadka waaweyn ee magaalada gaar ahaan kuwa ku dhaw Madaxtooyada Somaliland.

Qaraxan ayaa ah kii saddexaad oo muddo 7 maalmood ah gudaheed ka dhaca Haregsya, kuwii hore ma jirin cid wax ku noqotey, waxaana kii labaad ahaa mid dhawaaqiissa laga maqley meelo badan oo kamid ah Haregsya isaga oo ka dhacay meel ku dhaw Madaxtooyada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Cali Waran-Cadde oo qaraxyadii hore ka hadley ayaa si toos ah ugu eedeeyey in ay ku legleeyihiin garabka Kulmiye ee taageerayaasha Muuse Biixi Cabdi oo hadda khilaaf weyn uu ku dhexjiro isaga iyo Madaxweynaha Somaliland oo ahaa Xisbigii uu asaasey guushana ku gaarey.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale ku tilmaamey qaraxyadaas “Daasad Shaani ah nalaku cabsi gelin maayo oo gacan bir ah ayaan amaanka ku qabanaynaa”, sidaas waxa uu ku sheegey cajilad laga duubey Madaxweynaha 30.05.2014 kaas oo uu ku shaaciyey in uu yahay Musharax waana udub-dhexaadka khilaafka Kulmiye, cidda noqoneysa Musharaxa Kulmiye 2015.

Qaraxyadan ma jirto cid sheegatey in ay masuul ka yihiin lamana yaqaan ujeedada ka danbeysa, waxaana ay wel-wel ku abuureen shacabka Hargeysa oo garanaya qiimaha nabaddu leedahay. Dadka ka soo horjeeda siyaasadda Siilaanyo ayaa dhankooda ku eedaynaya in qaraxyadani yihiin kuwo madaxtooyada Somaliland ka danbeyso si xaalad abuur iyo mar-marsiinyo ay u sameystaan taas oo ay kuc aburinayaan shiddada siyaasadeed ee ku furan.

Isha: HM