Garoonka diyaaradaha Beledweyne oo sabab cajiib ah u xirmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaa uu ku xirmay Garoonka Diyaaradaha Beledweyne ee Ugaas Khaliif.

Wararku waxa ay sheegayaan in Garoonka uu galay xaalad shaqo joojin ah, kadib markii gudaha Garoonka ay buux dhaafiyeen biyo ka dhashay roobab halkaa ka da’ ay.

Biyaha ayaa la sheegay inay gudaha u galeen Xafiisyada Garoonka iyo dhabaha ay ka duulaan diyaaradaha, waxaana la xaqiijiyay in taa ay sababtay dayactir la’aan heysata Garoonka.

Isku duwaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdi, ayaa xaqiijiyay xirnaanshiyaha Garoonka, balse waxa uu sheegay inay ku dadaalayaan hagaajintiisa.

Waxa uu sidoo kale, xaqiijiyay inay xiran yihiin xafiisyadii Diyaaradaha ee magaalada, maadaama uusan shaqeyneynin Garoonka oowaayadaan ahaa mid mashquulbadnaa.

Dhinaca kale, Garoonkan ayaan wax dib u hagaajin ah helin muddo dhowr iyo toban sano ah, waxaana suuragal ah inay sii bataan ciladihiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com