Muqdisho (Caasimada Online) Idaacadda SKY FM, ee magaalada Muqdisho ayaa caawa baahisay in garoonka diyaaradaha Muqdishu uu ka jiro is-qabqabsi ku saabsan sida loo maamulayo garoonka.
Idaacadda ayaa sheegtay in garoonka maanta duhurkii uu khakhal ku yimid habsami u socodka garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaddib markii ay is qabsadeen shirkadda SKA oo laga badalay howlihii garoonka iyo shirkad kale oo laga lee yahay dalka Turkiga.
Arrintan ayaa ka dhalatay markii maanta oo Sabti ah, dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay howlihii garoonka shirkadda Vavoli oo laga lee yahay dalka Turkiga.
Sida ay lee yihiin qaar ka mid ah shaqaalaha SKY, waxa ay shirkadan oo laga lee yahay South Afrika ay diiddan tahay in wareejiso howlaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Ma jirto wax war ah oo dowladda Soomaaliya ka soo baxay, kaasoo ku saabsan is-qabqabsiga ka dhexeeya labadan shirkadood.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cabdilaahi Cilmooge Xirsi oo maanta ka hadlaayay kulan uu la qaatay labadan shirkadood mas’uuliyiintooda, wuxuu sheegay in maanta oo Sabti ah howshii garoonka diyaaradaha Muqdisho shirkadda Vavolia ee dalka Turkiga.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho