VIDEO: Hiba Nuura oo habeen aan la ilaawi karin Muqdisho galisay

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Caasimada Online:  Fannaanada caanka ah ee Soomaaliyeed Hibo Maxamed Cuddoon “Hibo Nuura” oo 22 sano kadib Muqdisho ku laabatay ayaa bandhig fanneed ay ku qabatay Muqdisho iyada iyo kooxda Hobolada Waaberi ayaa waxay soo bandhigtay Hees dadkii kasoo qeybgalay bandhigaasi kicisay.

Hibo Nuura ayaa dhowr hees oo wadaniyada iyo qaranimada ka hadleysay ay ka qaatay bandhigaasi, iyadoo kicisay dadkii kasoo qeybgalay bandhigaasi lagu wacyi gelinayay nabadda iyo horumarka Muqdisho.

Mid ka mid ah heesii ay ku luuqeysay burburkii kadib kana hadleysay burburka qaranimada iyo waxyaabihii laga dhaxlay ayaa qeyb ka mid ah waxaa ku jira erayo qaab Raap ahaan ay ugu luuqeyneysay.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: