XOG: DF oo laga yaaabo in wax aysan jecleysan ay kala kulanto shirka New Deal ee magaalada Brussels, Sabab?

Nairobi (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online, ayaa ogaatay in shirka ka dhacaya magaalada Brussels maalinta Isniinta ee toddobaadkan lagu casuumay dhammaan maamulada ka jira dalka marka laga reebo Somaliland iyo dowladda fadaraalka Soomaaliya.

Illo Xog-Ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in si yaabo kala duwan loogu casuumay shirka Brussels, maamulka Puntland, Maamulka Galmudug, maamulka kumeel gaarka ee Jubba, guddoomiyaasha, gobalada Shabeellaha Hoose, Baydhabo, Hiiran iyo Gedo.

Dhinacyadan casuumada loo fidiyay dowladda kama warqabto, waxaana loo mariyay diplomaasiyiin jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Maamuladan mid kasta wuxuu wataa qorshe gaar u ah, balse qaar kood waxa ay taageersan yihiin dowladda Soomaaliya.

Shirkan waxaa hubaal ah in ay si wadajir ah u qaban doonaan madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxa siyaasada Midowga Yurub Catharine Ashton.

Si kastaba, waxaa jirta warar sheegaya in laga yaabo madaxweynaha Puntland Faroole in uu shirka la hor tago wax yaabo uu wato maadama dhawaan uu sheegay in uu xiriirka u daray dowladda dhexe.

Dhinaca kale, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa wada qorshayaal la isku soo dhaweenaayo dowladda Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole.

Ma cadda in maamuladan ka qaybgalaya shirka loo oggolaan doono in ay hadallo ka soo jeediyaan madasha shirka oo lagu ballaan san yahay maalinta Isniinta ee soo socota.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com